Afar qof oo ay maanta saameysay colaada Somaliland iyo Puntland oo qoloba 2 qabsatay

puntland iyo somaliland

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay jiraan 2 qof oo isir ahaan ka soo jeeda Beesha Daarood oo lagu qabtay gudaha Somaliland, halka dhanka Puntlandna lagu qabsaday 2 qof oo Isirkoodu ka soo jeedo Beelaha lagu naaneyso jeegaanta.

Labo nin waxaa lagu qabsaday degaamada Caynaba hoos taga, halka labada kelena lagu qabsaday Magaalada Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan nin afartii qofba la sii daayey.

Xogta Warkan ayaa naga soo gaadhay dad ku dhaqan degaamada Puntland, ma jirto wax hadal ah oo labada dhinac ka soo baxay.

Dhibta qabiilka ee dadka shacabka ah ayaa qaraxday kadib markii gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland uu farta ku fiiqay boqolaal arday ah oo wax ka dhigan jiray Somaliland.