Afghanistan dad is qarxiyay oo baabi’iyay saldhig ciidan

map afghanstan

Ugu yaraan 43 askeri ayaa ku dhimatay ka dib markii laba weerar oo is qarxin ah lagu qaaday saldhig militari oo ku yaalla gobolka Kandahar ee Koonfurta Afghanistan.

Sida wararku sheegayaan sagaal qof ayaa dhaawacantay, lix kalena waa la la’yahay. Toban xagjiriin ah oo weerarka qaaday ayaa sidoo kale dhimatay, sida la sheegay.

Weerarka oo ka dhacay degmo lagu magacaabo Maiwand, waa weerarkii seddaxaad ee ugu xoogga badnaa ee lagu qaaday ciidamada Afghanistan.

Ururka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Laba maalmood ka hor, dablay iyo dad is qarxiyay oo Taliban ka tirsanaa ayaa dilay 41 qof, ka dib markii ay weerar ku qaadeen xero tababar oo ku taalla magaalada Ghardes ee Bariga Afghanistan.

In ka badan 150 qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas. Cisbitaal deegaanka ku yaalla ayaa sheegay in dhaawaca uu yahay xad dhaaf, waxayna dalbadeen dhiig lagu shubo dhibanayaasha.

Isla maalintaa, ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday gawaarida gaashaaman ee gudoomiyaha gobolka Ghazni.

Militariga iyo booliska Afghanistan waxaa sanadkan gaaray dhibaatada ugu badan oo kaga imaanaysa ururka Taliban.