Al-Shabaab oo fariin culus u dirtay dowladda Kenya

shabaab sarkaal

Kooxda Al-Shabaab ayaa markale bayaan cusub oo ku qornaa luqada Engilish-ka ka soo saartay weerar ay Jimcihii la soo dhaafay ka fulisay magaalada Wajeer, gobolka Waqooyi Bari, iyadoo fariin culus u dirtay dowladda Kenya.

Bayaankaan ayaa lagu sheegay in weerarka lala eegtay dad Kiristaan ahaa oo qaarkood ka tirsanaa sirdoonka qarsoon Kenya iyo shaqaalaha dowladda.

Ugu yaraan 10 qof oo Kenyaan ahaa ayaa lagu dilay weerarkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeedkaan oo ka soo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab.

“Galabnimadii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 09 Rabiicu thaani 1441 Hijri, kuna beegnayd 06/12/2019, Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgal ka fuliyay gobolka Wajeer ee ka tirsan dhulka Muslimiinta lahaysto ee NFD. Hawlgalka oo dhacay saacaddu markii ay ahayd 17:00 galabnimo, waxaa lagu dilay 10 Saliibiyiin ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha sirdoonka qarsoon iyo shaqaalaha dowlada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Al-Shabaab.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa fariin u dirtay dowladda Kenya, waxaana ay sheegtay in marbana aysan ku naaloon doonin nabad gelyo, inta ay heysato NFD.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in weerarkii lagu qaaday gaariga Baska uu fariin u ahaa gumeysiga ay ka wado dhulka Muslimiinta, sida ay hadalka u dhigtay.

“Weerarkan wuxuu farriin kale u yahay dowlada gaalada ah ee Kenya, in shacabkeeda Saliibiyiinta ah aysan nabadgelyo kunaalloon doonin inta ay dowladoodu gumaysi kusii haysato dhulalka Muslimiinta, boobayso khayraadkooda ayna dulminayso dadka Muslimiinta ah”. ayaa lagu markale lagu yiri bayaanka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here