Askari Sacuudiyaan ah oo toogasho dhimasho leh ka fuliyey dalka Mareykanka

police usa baltimore

Askari ka tirsan ciidamada cirka Sacuudiga oo tababar u joogay dalka Mareykanka, ayaa toogasho uu ka fuliyey saldhig ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka waxa uu ku dilay saddex qof, ka hor inta aan isaga la dilin.

Toogashada oo ka dhacday fasal ku dhex-yaalla saldhigga oo ku yaalla magaalada Pensacola ee gobolka Florida ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed qof, oo ay ku jiraan laba boolis oo kusoo baxay weerarka.

Ninkan weerarka gaystay ayaa magaciisa lagu sheegay Mohammed Saeed Alshamrani.

Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa xaqiijiyey in qofka toogashada gaystay uu ka yimid dalka Sacuudiga.

“Waa ay caddahay inay jiri doonaan su’aalo badan oo ku saabsan qofkan ajnabiga ah, ee ka tirsan ciidamada cirka Sacuudiga, oo dalkeena u joogay tababarka,” ayuu yiri DeSantis oo shir jaraa’id qabtay.

“Waa ay caddahay in dowladda Sacuudiga looga baahan yahay inay wanaajiso dhibanayaasha, waxaan filayaa in dayn badan lagu leeyahay,” ayuu yiri barasaabka.

Boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulcaziiz ayaa taleefon uu u diray madaxweyne Donald Trump ku cambaareeyey toogashada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

“Boqorka wuxuu xaqiijiyey in dambiilaha gaystay dambigan aadka u xun uusan matalin shacabka Sacuudiga,” ayey tiri wakaaladda wararka.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Boqor Salman wuxuu tacsi u diray una damqaday qoysaska iyo saaxiibada dhibanayaasha lagu dilay laguna dhaawacay weerarka.”

Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa loo ogol yahay oo kaliya inay qoryo ku haystaan dadka sugaya amniga, mana cadda sida ninka weerarka fuliyey uu qoriga ku helay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay baarayaan haddii weerarka uu xiriir la leeyahay argagixisanimo.

Lix qof oo kale oo Sacuudiyaan ah ayaa lagu xiray meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay. Saddex ka mid ah dadkan ayaa la arkayey ayaga oo muuqaal ka duubaya dhacdada.

Weli ma cadda, haddii lixda qof ee la xiray ay sidoo kale ahaayeen arday ka tirsan fasalka ay toogashadu ka dhacday, iyo inay xiriir la leeyihiin ninka weerarka gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here