BAASHE CALI JAAMAC: SHIRKII AWRBOOGAYS NABADGELYO IYO YAAN DHIIG DAADAN BAA IGU KALIFTAY, LAAKIIN XOOG BAA LAGA DOOR BIDAY

baashe cali jaamac ug2

Siyaasi Baashe Cali Jaamac ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay colaada ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Mudane Baashe oo shabekada xaysimo.com ay la xidhiidhtay ayaa sheegay in sababihii ku kalifay inuu shirarkii Awrboogays iyo Adhicadeeye naftiisa iyo maalkiisa isugu geeyo ay ugu weynayd inuu ka hortago dhibta iyo colaada maanta ka taagan Degaanka Tukaraq, balse Xukuumadaydii iyo nimankii talada hayey ayaa i dhabar-jebiyey oo xoog iyo Qori caaradii ka door biday, wanaagii dadkana u qaatay inay yihiin dad liita oo qori lagu cabiidin karo, islamarkaana ka baxay heshiisyadii ay la galeen oo dhan.

Baashe Cali Jaamac oo iminka ku sugan dalka Uganda ayaa sheegay inuu garanayey in markii Tukaraq la qaxiyey ay ku xigayaan degaamo badan oo Somaliland ka tirsan, sidoo kale ay u cadayd in Somaliland markii taladeeda uu Madaxweyne Muuse Biixi la wareegay ay 26 Casho dagaal ku gashay, islamarkaana uu burburayo tacabkii ay reer Somaliland 27 sano ku soo tacbayeen, maantana taladii faraha ayey ka baxday.

Waxaan doonayey in dadka degaanka waxay diidan yihiin lagala heshiiyo, dabadeedna si nabad ah maamulku u fido, laakiin waxaa laga jeclaystay dhiiga maanta qulqulaya iyo in Beelaha Somaliland qabaail u kala jabaan oo 1991 lagu noqdo.

“Maalintaan Hargeysa ka soo dhoofay waxaan ka fekerayey tolow imisay kaa dambeynaysaa, way raagtay.

Dagaalka Tukaraq ka bilowday waa Kalshaale labaad, wuuna kasii xumaanayaa, wuxuuna isku bedelayaa qabiil, xuduudna xoog laguma tegi karo, haddii lagu tagona laguma hayn karo, wixii dhimasho, dhaawac iyo kala qaybsan ka yimaada waxaa ka masuul ah cidii fidmada kicisay ee Tukaraq ku duushay 8.1.2018, iyo kuwii wanaagii aanu wadnay iyo heshiisyadii Awrboogays iyo Adhicadeeye xooga ka doorbiday ee awooda istaawiyey” ayuu yiri Siyaasi Baashe.

“Anigu waan dadaalay, balse waxaan sugayaa kuwii i dhibsaday meesha ay Somaliland ku dambeysiiyaan” ayuu ku soo gebagebeeyey Wasiir Baashe Cali Jaamac.

Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa waqti badan iyo xoolo badan geliyey nabadeynta Somaliland, taasoo uu ka dhaxlay Eri, aflagaado iyo in ugu yaraan 200000 US$ oo deyn ahaa lagaga baxo.