BEESHA MAXAMUUD BARRI OO KU KHASAARTAY MUXAAFIDNIMADII IYO CODKOODII OO LA XARAASHAYO

dilaalin

Beesha Maxamuud Barri ayaa lagu tilmaami karaa inay guud ahaan ku khasaartay Shirkii Awrboogays iyo muxaafidnimadii Somaliland iyo Isdiiwaangelintii ay sameeyeena, iyadoo codkoodii uu noqday mid sayladaha Xisbiyada Hargeysa laga xaraashayo.

13-ka Bishan waxaa la filayaa in magaalada Caynaba lagu qabto shir maqaarsaar ah oo la sheegay in lagu soo gebagebaynayo wadahadalkii Cali Khaliif Galaydh lagula jiray, taasoo odayga aan wax taageero ah haysan loogu aqoonsaday inuu yahay siyaasiga Guud ee degaamada SSC oo dhami hoos yimaadaan.

Cali Khaliif arintan waxaa lagaga bedeshay inuu baabiiyo Magacii Khaatumo oo ah magac ku caangaroobay xoogii, xoolihii, caqligii iyo dhiigii shacabka degaamada SSC, kaasoo caqabad ku noqday jiritaankii Somaliland. Heshiiska Cali Khaliif wuxuu meesha ka saaray heshiiskii Awrboogays iyo dhamaan qodobadii Beesha Maxamuud Barri lagula heshiiyey, iyadoo lagu xanto in abaalgud loo siiyey dhalinyaro loo bixiyey Bajaaj oo wararka iyo xantooda soo ururiya.

Dhanka kale iyadoo Somaliland loogu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada ayaa codka ugu badan ee degaamada SSC iska diiwaangeliyey waxaa leh Beesha Maxamuud Barri, kaasoo hada ah mid saylada yaala oo ay dilaaliin ka yihiin Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuuna gacanta u dhiibay Xisbiga Kulmiye.

Dhanka Xisbiga UCID waxaa isna hada soo biiray wiil cusub oo Faysal Cali Waraabe ku magacowday Musharax Madaxweyne kuxigeenka UCID Axmed Muuse Abyan, kaasoo ku yimid kadib markii Faysal C Waraabe Khilaafay sunihii Boorame, sida uu sheegay Musharax Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka Xisbiga Waddani waxaa u soo dhiilo dhaansaday Cabdi Risaaq Khaliif, oo beryahanba ku doodayey inuu isagu Faratoon ka fara maroojiyey oo isaga loo daba fadhiisto codka Beesha Maxamuud Barri, Cabdirisaaq iyo Beeshu iskuma cusba.

Si kastaba hayska ahaatee, waxaa muran madoonto ah, in lagu khasaaray:

Cilmigii, waayoaragnimadii, siyaasadii iyo Hogaamintii Cali Khaliif Galaydh.

Magacaabistii Yaasiin Faratoon.

Shirkii Awrboogays, Muxaafidnimadii iyo Guulwadeyntii Beesha Maxamuud Barri.

Sidoo kale waxaa la sugayaa meesha ay ku dambeyn doonto baadida lagu kala iibsanayo suuqyada Hargeysa.