Buuhoodle: Daawo Ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray Puntland

ciidamo carroweyn

Ciidamo horey uga tirsanaa kuwa Somaliland, oo ku sugnaa deegaanka Carro-wayn ee Gobolka Cayn ayaa sheegay inay ka baxeen Somaliland oo ku biireen maamulka Puntland.

Isbedelka Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 160, ayaa ku beegmaysa xilli xaalada Somaliland iyo Puntland ay cirka isku sii shareerayso, oo ay ku jiraan isku xaam xaamasho.

Magaalada Buuhoodle waxaa ku sugan wefti ka socda Somaliland oo uu hor kacayo Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cabbdirashiid Ducaale Qambi iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo ku hawlan arimo iska soo horjeeda.