CALI KHALIIF OO MARI DOONA WADADII BAASHE C JAAMAC OO GAADHIGII UGU DAMBEEYEY LAGA QAADAY (SAWIRO)

gaadhiga3
Sawirka Gaadhiga oo Taraafikada Jigjiga yar lagu hayo

Sanadkii hore bilihii juun iyo July waxaa lagu xusuustaa Baashe Cali Jaamac oo degaamada SSC kula dhex wareegaya Somaliland aan wadahadal la galo barwaaqo ayaan geli doonaaye, wuxuu qayliyana waxaa laysugu tegay degaanka Awrboogay, halkaas oo lagu qabtay shir balaadhan oo heshiis lagula galay wefti caato ahaa oo Somaliland ka socday.

Maalintii Waraaqo aan la fulin iyo heshiisyo laga baxay la saxiixay, ciilkii iyo cadhadii uu Baashe bilaabay waxaa ugu dambeysay shalay oo laga dejiyey Baabuurkii uu watay, kadib markii xukuumada Xisbiga Kulmiye ay ka soo bixi wayday balantii ay qaaday.

Magaalada Awrboogays maallintii shirka lagu qabtay ayaa roob naf leh oo hela ugu dambeysay.

Laba bilood kama soo wareegin markii Baashe Cali Jaamac la tuuray, abaalkiisiina laga dhigay talaaboba miday ka xumayd.

Baashe Cali Jaamac maanta degaamadiisii waxaa lagu tirinayaa nin tolkii Haan qaroorkeed ugu taliyey, oo inta la isticmaalay hadana la tuuray, iyadoo tan ugu sii darane ay tahay in weli lasii isticmaalayo oo ay ugu dambeyso Shir afku xuuble ah oo Caynabo ka socda oo aana la garanayn sababtuu uga mid yahay, isagoo goobta loo geeyey inuu metelo Beesha Maxamuud Garaad, halka Xaglotoosiyena uu Axmed Garaad u fadhiyo.

Sidan oo kale ayaa la filayaa inay ku dhici doonto Prof Cali Khaliif Galaydh oo ilaa maalintii Khaatumo la abuuray loo tirinayo inuu Somaliland hoosta uga shaqaynayey, iyadoo dad badani saadaalinayaan wuxuu ku dambeyn doono.

DAAWO SAWIRADA BUUBUURKII BAASHE OO KU JIRA SALDHIGA TARAAFIKADA EE JIGJIGA YAR:
askari traficgaadhiga1gaadhiga6gaadhiga2gaadhiga5gaadhiga3gaadhiga4