Ciidamada Masar oo dagaalyahamiinta Islaamiyiinta ka dilay 16 qof

ciidamada masar

Milateriga wadanka Masar ayaa sheegay inay dileen 16 kamid ah dagaalamayaasha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Masar tan iyo markii gacanka Sinai ay ka bilaabeen howgal ballaran oo ka dhan ah kooxahaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay in milateriga ay burburiyeen dhowr iyo toban goobood iyo gawaari ay lahayeen kooxahaasi, waxaana ay intaa ku dareen in la xiray soddon qof oo looga shakiyaya inay katirsanyihiin kooxxahaasi Masar ka dagaalama.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattax al-Sisi ayaa milateriga Masar ku amray in muddo saddex bilood gudahood ay kaga adkadaan dagaalamayaasha Islaamiyiinta, kadib markii kooxahaasi ay bishii Novembar ee sannadkii hore ay weerareen Masjid ku yaala Masar, halkaa oo ay ku dileen in ka badan saddex boqol oo qof.

Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa horay u sheegay in howgalkani lagu ballaarin doono ilaa iyo dhulka saxaraha ee Masar.