CIRRO OO BARI U GUURAY, UURCADE OO GALBEED XARUN KA FURAYA, XILKA XAYUUBIN DIYAARINAYA IYO KHILAAFKII OO GARSOORKA U GUDBAYA

cirro uurcade3

Khilaafka ka dhex qarxay xisbiga Waddani oo hadda labo garab u kala jabay ayaa waxaa muuqanaysa calaamado muujinaya in diyaargarowgiisu mudo soo jiitamaye oo uu soo bilowday doorashadii ka dib.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xaruntii Xisbiga goor aan habeen iyo maalintoona ahayn u raray Bariga Hargeysa, isagoo ka fogeeyey dhamaanba dhulkii xafiisyada ku wanaagsanaa, taasoo aan markii hore la dhaadayn balse hada weji kale yeelatay. Xoghayaha Guud waxaa laga sheegay in aanu ka war qabin hayaan bariga, oo uu mar qudha xafiiskii meeshii ka waayey.

Sida ay rumaynayaan xubno ku dhow dhow garabka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Uurcade ayaa ku mashquulsan abaabulka furista xarun weyn oo la furo galbeedka Hargeysa oo ah degaanka ay ku yaaliin dhamaan xafiisyada muhiimka ah ee Somaliland, dowlad iyo shacab. sida Uurcade ayaa ku hawlan xilka ka xayuubin Gudoomiye Cirro, isagoo ku eedaynaya Khiyaamo Qaran.

Dhanka kale xalkii Khilaafka ee labada garab ee Xisbiga ayaa u gudbaya Hayadaha Garsoorka Somaliland, iyadoo la rumaynayo in Garabka Uurcade ay labada maalmood ee soo socda dacwad u gudbin doonaan Maxkamada ama hayadaha ku shuqul leh garsoorka khilaafka Xisbiyada, iyadoo laga yaabo inay mudo qaadato xukun ka gaadhisteedu.