Daawo Beesha Biciide ee Habarjeclo oo Puntland ku eedaysay colaada Ceel Afweyn

odayaasha biciide

Beesha Biciide ee Habarjeclo ayaa Puntland ku eedaysay inay hubeynayso mid ka mid ah Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmadda Ceel Afweyn.

Afhayeenka iyo Gudiga Beesha Biciide ayaa Puntland, Beesha Harti iyo Madaxweyne Gaas u sheegay in hubka ay soo siiyaan Jabhadda Garxejis aan lagula dagaalamin Dawlada Somaliland ee lagu laayo Beesha biciide iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sidaasdarteed ay ka joojiyaan.

Beesha Biciide oo sheegatay abaal hore oo nabadgelyada ka qabteen, ayaa Puntland iyo Beesha Harti ka codsatay, in haddii aanay nabadgelyo ka gelaynin ay dhex dhexaad ka ahaadaan colaada beelaha ku dagaalamaya Ceel Afweyn.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland oo aan la xiriirnay ayaa beeniyey eedayntan, iyagoo sheegay in aanay sinaba u suurtoobi karin in Puntland la safato oo isku sii dirto Beelo dagaalamaya iyo dad shacab ah.

Qaar ka mid degaamada degmada Ceel Afweyn ayaa waxaa ka taagan colaad mudo soo jiitamaysay oo u dhexaysa labo beelood oo walaalo ah, taasoo dad badan oo labada dhinac ahi ku naf waayeen, iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay dhowr dil dhaceen.

DAAWO ODAYAASHA BICIIDE