Daawo Beesha Cimraan oo Diga-rogasho dhulgariir ah kaga jawaabtay heshiiskii qabyaalada ee Burco

Daawo Beesha Cimraan ee Sh.Isaxaaq ayaa Diga-rogasho dhulgariir ah kaga jawaabtay heshiiskii qabyaalada ee ay Burco kaga dhawaaqeen Madaxdhaqameed iyo Odayaal sheegtay inay metelaan Beesha Barriga Burco iyo Galbeedka Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay ku heshiiyeen taageerada Musharax Muuse Biixi.

Beesha ayaa xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ku qabteen Burco ay ku cadeeyey inay ka dareereen Xisbiga Kulmiye oo ku biireen Xisbiga Waddani, iyagoo goobta ka sheegay dhaliilaha Kulmiye ee mudadii uu Xilka hayey.

Dareenka Beesha Cimraan ayaa la mid ah dareenka ay beelaha kale ee Somaliland ka bixiyeen heshiiska kooxda Burco ku shirtay oo loo arkay inay dartankii doorashada qabyaalad u bedeleen.

DAAWO VIDEO 1 GUDOOMIYAHA BEESHA CIMRAAN:

DAAWO VIDEO 2 BEESHA OO AAN U KALA HADHIN KU BIIRISTA WADDANI: