Daawo Cabdiraxmaan Faroole oo si ba’an u weeraray Cabdiwali Gaas iyo Baashe Maxamed Cadde

faroole1

Madaxwaynihii Hore ee maamulka Puntland C.raxmaan Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka hadlay Xiisada kasoo Korodhay deegaanka Tukaraq, isagoo Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu Ciidanka Somaliland ka saaro deegaankaasi.

Wuxuu sidoo kale Weerar Ba’an ku Qaaday C.wali gaas madaxwaynaha Puntland iyo Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland isagoo sheegay inaysan Nabad iyo dagaal waxba ka ogayn, Isagoo ugu baaqay inay Beelahooda Nabad-dhex dhigaan Marka hore.

Faroole ayaa meesha ka saaray Eedaynta C.wali gaas Somaliland u jeediyey ee ah Inay Taageero Kooxo Xagjir ah, Wuxuuna sheegay inaysan Soomaali hada u baahnayn Dhiig iyo dagaal Cusub.

DAAWO HADALKII CABDIRAXMAAN FAROOLE:

NO COMMENTS