DAAWO ISIMADA DHULBAHANTE OO KU BAAQAY IN LALA DAGAALAMO CIIDAMADA SOMALILAND

garaad saleebaan

Isimadda Beesha Dhulbahante oo maanta kulan ku yeeshay degaanka Buuro-wadal ayaa shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu baaqay inay dagaal ku qaadaan meelkasta oo ay ka helaan Ciidamada Somaliland.

Isimada ayaa badankoodu goobjoog ahaayeen halka qaarkoodna ay khadka telefoonka kaga qaybgaleen, kuwaas oo lagu xanto inay dhaqaale ka helaan Somaliland iyo Puntland.

Baaqan dagaal ee ka dhan ah Ciidamada Somaliland ayaa dhabarjebin ku noqonaya Madaxweyne Muuse Biixi oo ciidamadiisu ay dul fadhiyaan caasimada Puntland ee Garoowe, halkaas oo la filayo inay maalmaha soo socda ay dagaal fooda isku daraan Ciidamada Puntland. Baaqan ayaa kalsooni xumo ku noqonaya Ciidamada Somaliland, taasi kelifi doonta inay Ciidamada Somaliland dib u soo gurtaan.

DAAWO HADALKII ISIMADA: