Daawo Madaxweyne Farmaajo oo kaga dhabeeyey balanqaadkii dhismaha dekadda Hobyo iyo Dawlada China oo hirgelinaysa

wefti dhismaha dekada hobyo

Wafdi balaadhan oo isugu jira Dawlada Federaalka iyo Dalka shiinaha ayaa maanta gaadhay magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, si ay u soo qiimeeyaan Dekada Hobyo oo dhowaan dhagax dhigay Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Weftiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye, Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Dekadaha Cismaan Daallo iyo Sentar Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa la socday injineeradii dhisi lahaa dekeda Hobyo.

Injineero ka socotay Shiinaha oo loo geeyay dekadda si ay qiimeyn ugu sameeyaan ayaa booqday 3 goobood oo kala ah, Marsadii hore oo ah halkii uu Madaxweynuhu dhagaxa dhigay, Ceel-Cad oo magaalada u jirta 15 Miles iyo Daab-cad oo iyana magaalada ka baxsan, qiimeyn ka dib, waxa ay ku qanceen halkii Madaxweynuhu horay u dhagaxdhigay lana go,aamiyay in halkaas laga dhiso Dekada Hobyo.

Sida qorshuhu yahay 72 Saacadood gadahood ayay Soomaaliya iyo Shiinuhu kala saxiixan doonaan heshiiska Dhismaha Dekadda.

Arintan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu balanqaadkiisa kaga dhabeeyo, dawladii Siyaad Barre kadib. DAAWO