Daawo Siyaasi Xamse Xasan oo Madaxweyne Muuse ugu baaqay inuu u yeedho Baashe C Jaamac iyo Siyaasiyiin kale

xamse xasan

Siyaasi Xamse Xasan Cabdiraxmaa oosaraakiisha Xisbiga Waddani ee Garabka badbaadinta ayaa talooyin u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xamse oo ka hadlaya xaalada Gobolka Sool ee cakiran ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu u yeedho oo talo weydiiyo siyaasiyiin degaanka ka soo jeeda ay ugu horeeyaan Baashe Cali Jaamac, Gudoomiyaha Garabka badbaadinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Osman Qawdhan iyo Siyaasi Cali Sandule.

Xaalada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maraysa meeshii ugu xumayd, iyadoo indhaha Beesha Caalamkuna ay si gaar ah u eegayaan.

Bacda ciidka ayaa la filayaa inuu bilowdo dagaal balaadhan oo degaamadaas ka dhaca, kaas oo saameyn doona degaamada badan, khasaare badana dhalin doona.

DAAWO HADALKII SIYAASI XAMSE XASAN CABDIRAXMAAN.