Daawo Ugaaska Beelaha Cimraan: Dumarkaa la wareejiyaa Cimraan reer la wareejiyo ka weyne waa inoo Waddani

ugaaska cimraan ugaas craxman diiriye

Ugaaska Beelaha Cimraan Ugaas C/raxman Diiriye ayaa si cadho leh uga jawaabay heshiiskii Beesha Barriga Burco codkeeda lagu wareejay Beesha Subeer Awal, arintaas oo fajiciso ku noqotay shacabka Somaliland, islamarkaana dhabarjab ku ah Dimoqraadiyadii mudada dheer lagu taamayey.

Ugaaska hadalkiisii waxaa ka mid ahaa “halkan maalin dhoweyd waxaa ka dhacday in Reerkan Maxamed Sheekh Isxaaq la yiraahdo waxaa laydinku wareejay reer la yiraahdo Subeer Awal oo uu hogaaminayo Suldaan la yiraahdo Suldaan Xasan, waxaan leeyahay Suldaan horta reerkan Maxamed Sheekh Isxaaq maaha wax reer la wareejiyo, waa reer ka weyn la wax la wareejiyo, waayo dumarka uun baan maqli jiray waa la wareejiyaa ee rag iyo reero baa la wareejiya ma maqal.

Suldaanka ayaa gebagebadii codbixiyeyaasha beesha Cimraan ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan isbedel doonka Xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Cirro hogaaminayo, isagoo dhanka kale Xisbiga Kulmiye ku hurgufay ee dhaliilo culculus.

DAAWO HADALKII UGAASKA OO DHAMAYSTIRAN: