Daawo Wasiir hore Cali Sandule oo gacanta u taagtay Musharaxa Madaxweyne Xigeenka UCID

EX Wasiir Cali Sandule ayaa eedayn aan loo meel deyin ku miisay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, halka uu amaan dheerada dusha u saaray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, taas oo loo arkay gacan haadis uu ku doonayo in Faysal Cali Waraabe u qaato Musharaxa Madaxweyne Xigeenka ee UCID, waxaana dadku isla dhexmarayaan in duruuftani ka dhigtay dani waa seeto oo ku kaliftay eedaynta Muuse Biixi.

Cali Sandule ayaa horay Kuxigeen uga soo noqday Ururkii Xaqsoor oo uu ku aflaxay.

Faysal iyo Koox la socota ayaa beryahanba ku mashquulsanaa inay degaamada SSC ka qaataan Musharax Madaxweyne Ku xigeen, si ay u qaataan tirada codadka ah ee degaamadaas iska diiwaangelisay.

Sikasta oo uu qofkuu doono u qaato hadana shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn wixii iska diiwaangeliyey codkooda kuma khasaaraynayaan Xisbi ay yartahay rajadiisa inuu guulaysto, waxayna cod siinta UCID ugu muuqataa khasaare cad oo loo badheedhayo.

Cali keliya maaha xubnaha lagu xamanayo inay hoosta ka guclaynayaan ee waxaa jira dhowr qof oo gacantu u taagan tahay.

DAAWO HADALKII CALI