Daawo Wasiir Koore Askartu waa fahamtay laakiin shacabku ma fahmin: Xoghayaha Guud ee Waddani

saleebaan uurcade

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa Wasiirka Khayraadka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore ku dhaliilay inuu afkii askarta ku hadlay, laakiin aan shacabku fahmin ee uu mar kale ku celiyo oo sharaxaad ka bixiyo.

Xoghayaha ayaa sheegay in mashruucii xumboweyne waa fashilmay ay tahay luqad askari, ayna askartu fahamtay, laakiin shacabku ay leeyihiin luqad u gaar ah.

Dhaliishan ayaa imanaysa xili ay isa soo tarayso dhaliilaha Wasiirka ee ku saabsan dhowr hadal oo saxaafada ka sheegay oo uu ka mid yahay MASHRUUCI BIYAHA EE HARGEYSA EE XUMBOWEYNE WAA FASHILMAY, taasoo shacabku u arkay luqad askari.

WASIIR SALEEBAAN AYAA HORMUUD U AH XUBNO LAGU HANTO INAY JECEL YIHIIN KAMARADA IYO INAY SHAASHADAHA KA SOO BAXAAN, LAAKIIN TAN XUMBO WEYNE DOORKAN LAMA JECLAYSAN.

DAAWO XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI