DHAKOOL OO DHULKA KU JIIDAY ILAALADII DASTUURKA IYO GUDOOMIYAHA MUSTAQBALKA OO KA KULULAADAY

Shalay ayey ahayd markii Baarlamaanka Somaliland uu cod gacantaag ah ku ansixiyey Mooshin oo dabada ka riixayey xildhibaan Dhakool, kaas oo lagu taageerayey wadahadalada Khaatumo iyo Somaliland.

Taageeradan Baarlamaanka ayaa waxay dhabarjab ku noqotay koox isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Kulmiye iyo qoraxjoog farabadan oo dhowaan Laascaanood safar ku tegay oo ka soo horjeeday taageerada Baarlamaanka, iyagoo aan weli meel marinin balamo badan oo ay dadkii degaanka ka soo qaadeen.

Go’aankii shalay ee Baarlamaanka waxaa aad uga xanaaqay gudoomiyaha Mustaqbalka ee Golaha Wakiilada Somaliland Saleebaan Yuusuf, isagoo ku dooday in meel lagaga dhacay Dastuurka Somaliland, laakiin u muuqata in aan dheg jalaq loo siin, dhawaaqa ka soo yeedhay ilaaladan cusub ee dastuurka Somaliland.

Marka la qiimeeyo labada Dhinac, Dhakool wuxuu golaha keenay wax degaamada SSC quseeya cidii doonta haku adeegatee ama haka faaiidee, halka Gudoomiyaha Mustaqbalkuna uu la yimid Difaaca Dastuurka Somaliland, oo ka mid ah waxyaabaha ay beeshu dalbanayso in dib loo furo.

Magaalada Hargeysa Xubnaha ka jooga degaamada SSC waxaa ka dhex socda xafiiltan qabiilaysan oo lagala soo guuray xamar, tartankii todobaadyadan socdayna waxaa ku guulaystay Xildhibaan Dhakool.

Marka dhinac walba laga eego awoodii ay shalay Dhakool iyo xulufadiisu golaha ka muujiyeen, iyo taageero la’aantii dhinaca kale ku dhacday, waxay meesha ka saaraysaa oo mugdi gelisay rajadii laga qabay in Saleebaan Yuusuf uu ku guulaysto Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Mustaqbalka, iyadoo ilaa shalay ay aamusnaayeen xubno badan oo beryihii u dambeeyey garaacayey durbaan dhawaq dheer.