DHAQANKII BARBAARTA GAASHAAMAN EE MUQDISHO OO HARGEYSA KA BILOWDAY

Baashe Cali Jaamac3

Beryahan dambe waxaa Magaalada Hargeysa ku soo badanayey soo dhoweyno aan xigmad ku fadhiyin oo shaqsigii dalbada loo sameynayey, arintaas waxaa aad u jecel Masuuliyiinta xilalkoodii ku fashilmay ee aan kalsoonida isku qabin, si loo moodo inuu inuu taageerada dadka haysto iyo kuwa xilal doonka ah.

Qofku wuxuu soo dhoweyn ku mutaa inuu shaqo muhiim ah u baxay oo si fiican ugu soo guuleystay, iyo inuu xanuunsanayey oo soo caafimaaday, wefti waa la soo dhoweyn karaa, laakiin nin dan gaar ah u baxay oo 10 casho soo muraadsanayey maxaa laga soo dhoweynayaa.

Arinta Hargeysa ku cusubi waa koox ka soo jeeda Gobolka Sool oo sidii Barbaarta Gaashaaman ee Muqdisho marba qof soo dhoweynaysa ama xaflad abaabulaysa, xili dadku dhibaatadii abaarta la daalaa dhacaynayaan.

Maanta Magaalada Hargeysa waxaa lagu soo dhoweeyey BAASHE CALI JAAMAC oo 10 casho dalka Cumaan dano gaar ah u aaday. Bilowgii May waxaa Garoonka lagu soo dhoweeyey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo isna dano gaar ah todobaad Landon ugu maqnaa, isla bilowga Bishan waxaa la qabtay xaflad loogu tartamayo kursigii Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan weli banaanaan. Ayaamaha soo socdana waxaa laysku diyaarinayaa nin Qaadwale ah oo Hargeysa laga filayo inuu yimaado.

Sikastaba hayska ahaatee dhaqamada noocan oo kale ahi waxay ka jiri jireen oo laga soo min guuriyey magaalada Muqdisho, iyadoo qofku kiraysan jiray kooxo ka shaqaysta soo dhoweynta, oo marba inta lacagtaadu goyso kuu sameynaya.

Bal Daawo soo dhoweyntii Faratoon: