Eedeynta Gaas u jeediyey ganacsatada Bosaso waxey xaqiijineysaa guuldaro siyaasadeed

gaas

Hadal Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka sheegey warsaxafadeed uu ku qabtey Garowe 14/07/2017 ayaa waxaa kamid ahaa qodob timaamayey in qayb ka mid ah ganacsatada magalaada Bossaso ururka Al shabaab siiyaan cashuur. Eedeyntaan ayaa waxaa ay markhaati u tahay in 4ta sano madaxa ugu sareeya maamulkaan uu qirtey sida uu ugu ku guuldareystey ilaalinta amniga guud ee mandaqadaan gaar ahaan midka xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Waxaa la hubaa in kooxaha argagixisada ah ee ka dagalama gobolka Barri ka fa’ideyteen guul darada dhinaca amniga ee la soo gudboonaatey hay’adaha amniga Madaxweyne Gaas kuwasoo kooxaha Al shabab iyo Daacish kaga adkaan waayey magaalooyinka waaweyn gaar ahaan Bossaso iyo Galkacayo.

Madaxweynaha Puntland shacabku waxay ka sugayaan inuu laamihiisa amniga u gudbiyo magacyada ganacsatada cashuuraha siisa ururka Al shabab si sharciga loo horkeeno iyadoo laga hor-tagayo in eedeyntaan oo kale noqoto hadal la iska yiri.

Dhinaca diidmada cashuuraha Mudane Madaxweyne anigoo ku kalsoon Inaad fahansan tahay waxay timadaa markii shacabku ay dhumiyaan kalsoonida dowlada iyo qaabka ay u maamusho maaliyada waxaa haboon in maamulku dib isugu noqdo halka khaladku ka yimid.

Sida Madaxweyne Gaas uu kaga sharqamiyey warsaxafadeedka isaga oo tusaale u soo qaatey dalka Mareykanka uu ku noolaa, waxaan oran lahaa mudanaha tusaale ma noqon karo Dalkaas madaama Puntland ay ka maqan yihiin dhmaaan waxyaalihii loogu talagaley in dadku ku dhiirado in caahurta bixiyaan ( Mechanism), shaqsiga laga filayey Mudane adiga ayuu ahaa in uu hirgaliyo waana ku guulsareystey.

Dalka Mareykanka adeega uu ku qabto cashuuraha dadka ku nool si toos ah ayey uga faa’ideystaan dhamaan hay’adihii muujinayey sida loo isticmaalana waa shaqeynayaan ( fully factional).

Ugu dambeyn sida aan ka wada warqabno maamulka Puntland marna kama hirgalin in dowladihii isaga dambeeyey ay ka hirgaliyaan cashuur qaadis dhab ah taasoo arimo badan sabab u ahaayeen kuwasoo ka mid yihiin:

1- In dowladihii ka jirey Puntland marna ka hirgalin hay’ado kalsoonida shacabka kor u qaada sida kuwa la dagaalama musuqmaasuqa kuwasoo xaqiijinaya sida loo kharash gareeyo cashuuraha la qaado ( Transparency)

2- In sadexda hay’adood ee dowliga ah ( fulinta, sharci dejinta iyo sharciga) marna aysan muujin isla xisaabtan dhab ah taasoo mar walba awooda kharash gareynta maaliyada dalka siineysa hay’ada fulinta (Madaxweynaha & xukumda) kuwasoo imaan karto in si gaar ah ugu takri falaan ama go’aan uga gaaraan sida loo kharash gareynayo maaliyada dalka.

3- Wacyi galin dhab ah oo shacabka loo sameeyo oo marna aan la helin iyadoo dadka lagu kalsoon yahay ee buslshada maamulka markaas talada haya uusan adeegsan.

Qodobadaan iyo kuwa kale ayaa sababi kara hadii aysan jirin in dadku caahuurta diidaan balse hadii ay shaqeynayaan hay’adahaaan dowladu waa adeegsan kartaa laamaha amniga (Law enforcement).

Marna ma aha qodob wanagsan in Madaxweyne dowladeed inta uu TV soo fariisto isagoo ku guuldareystey fulinta dhamaan qodobada kor ku xusan yiraahdo ganacsateyda qayb kamid ah cashuur bay diideen iney bixiyaan iyagoo dhinaca kale cashuur siinaya urur uu dagaal kula jiro.