Ethiopia: Dagaal culus oo u dhaxeeya Soomaali iyo Oromo oo ka dhacay Moyaale

kilinka5 oromia

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal shalay ka dhacay degaanka Moyale ee dalka Itoobiya, kaasoo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda.

Dagaalka oo yimid kadib markii Rag hubeysan oo ka tirsan Oromadda ay kusoo duuleen deegaanka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray laba dhinac.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ee Soomaalida ayaa sheegay in Oromadda ay dagaal garab ku siinayeen Jabhadda OLF, taasoo dhawaan laga saaray Liiska Argigixisadda Itoobiya.

Wuxuu sheegay inay dileen carruur, waayeell iyo haween, isagoo ku daray inay sababta dadkani falkan u geysteen ay tahay Aargoosi, maadama dagaallo horey u dhacay looga dilay dad badan.

“Dadka waa leyska dilayaa, waxaana la doonayaa in laga barakiciyo degaanka, iyo in laga Aargoosto, maadaama loo fasaxay inay soo galaan degaanka. Waxay rabaan inay dhul-ballaarsi sameystaan,” ayuu yiri qofka ku sugan degaanka.

Dowladda Itoobiya ayuu ugu baaqay inay soo fara-geliso colaadda, isagoo sheegay hadii aysan soo farogelin in xaaladda meesha ay hadda joogto kasii dareyso khasaaruhuna sii badan doono.

Shalay oo Talaado ahayd ayey ahayd markii degaanka Guuleed oo u dhaxeeya Xuduudka gobolada Oromadda iyo Soomaalida Itoobiya lagu gawracay 5 wiil oo dhalinyaro, kuwaasoo la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeyshiyaad Oromada taabacsan.

Qowmiyadaha Oromadda iyo Soomaalida ayaa waxay isku hayaan gacanta ku heynta degaanka Mooyaalle, halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo culus, oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac keenay.