G11 ma qiran doonaan dhibaatadii ay dadka SSC u geysteen

Calanka Khaatumo

hadhaagii G11 ayay wararku sheegayaan in ay 18/03/2017 oo ku beegan Sabtida fooda inagu soo haysa ku baaqeen shir xagga telefoonka ah oo ay dhamaanba dadka reer SSC ugu soo gudbin doonaan xaaladaha ka taagan degaanadda SSC iyo maamulkii Khaatumo iyo wadahadalada Somaliland.

Hore waxay shabakada goojacade.com idiinku soo gudbisay qaar ka mid ah dhibaatooyinkii ay G11 u geysteen dadka iyo degaanadda SSC halkan ka akhriso:

Hadaba su’aalaha isweydiinta lihi waxay yihiin:- hadhaagii G11 ma qiran doonaan dhibaatooyinkii ay dadka reer SSC u geysteen? Maku hogaamin doonaan dariiqa saxa ah ee dadkan gaarsiin kara guulaha ay u baahan yihiin? Weli ma khiyaamadii iyo hagardaamadii bay kusii wadi doonaan? Ma waxay doonayaan in ay dadka ka sharciyaystaan in ay dhagartii iyo khiyaamadii dadka SSC lagu wadey ee Imaaraadka Carabta lagu abaabulayey ka qayb galaan? Ma noqon doonaan kuwo wixii hadda ka danbeeya aan aamusin oo hamran ee dadkooda la hadla oo waxa khaldan u sheega waxa saxana u tilmaama? Ma kooxda Cali Khaliif bay ku eegan doonaan oo faraha uga qaadi doonaan maamulkii ay asaasayaasha u ahaayeen? Ma waxay noqon doonaan kuwo aamusan oo indhaha ka qarsada iyaga oo arkaya dadkoodii iyo dalkoodii oo BOHOL ka daadanaya?

Shabakada goojacade waxay qabtaa in xaalkoodu noqon doono KADAR OO DIBI DHAL balse Dhamaanba jawaabaha su’aalahan waxaynu eegi doonaa marka la gaadho wakhtiga ay u qabsadeen in ay dadka reer SSC la hadlaan.