GAAS OO BEESHA CAALAMKA KA CODSADAY INAY MUUSE BIIXI KA BARYAAN INAAN CIIDANKU 60 KM U SOO DHAAFIN

muuse iyo gaas

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Cali Gaas oo hada ay dul fadhiyaan cuntubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijiyey inuu Beesha Caalamka ka codsaday in Madaxweyne Muuse Biixi laga baryo inaad ciidamada Somaliland Garoowe u soo dhaafin 60KM.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu ogolaaday inuu si ku meelgaadh ah uu ciidamadiisa u hakin doono, oo ay ku sugnaan doonaan degaanka ay hadda joogaan ee Godqaboobe.

Madaxweynaha Puntland oo ah nin isfooto iyo istustus ku caanbaxay ayaa iminka ku sugan xaalad cabsi, fashil iyo murugo leh, waxaana maalmaha soo socda laga filayaa inuu la yimaado sheeko caruureed fulaynimo ka buuxdo oo ay ka mid yihiin Beesha Caalamka ayaa nala hadashay iyo Itoobiya ayaa wefti noo soo dirtay.

Maamulka Somaliland la hadal hayaa inuu dhisme iyo dib u hagaajin ku sameeyo Kastamkii Puntland laga qabsaday ee Tukaraq.