Gabadh Soomaali ah oo si khalad ah loogu eedeeyay in ay fircooni u gudday gabadheeda oo labo jir ah

hooyo gudniin eedeeyey

Gabadh Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay gudniin fircooni ah ku samaysay gabadheeda oo labo jir ah
Qoys Soomaali ah oo haysta gabadh yar oo labo jir ah oo aad u xanuunsan ayaa argagax la kulmay markii loo sheegay in looga shakisan yahay in ay si fircooni ah u gudeen gabadhooda.

Qaraabadii gabadha ayaa baaray jirka gabadha ka hor intii dhakhaatiirtu aysan aqbalin in aan gabadha gudniin fircooni ah lagu samaynin.

Waaxda caafimaadka ee Cardiff and Vale Health Board oo wax laga waydiiyay arrintan ayaa sheegay in aysan ka hadli karin arrin shaqsi ku saabsan, balse waxay sheegtay in aysan ruuxna ku faquuqin jinsigiisa iyo dhaqankiisa dartii.

Gabdh la dhoho Saynab oo ay qoyska saaxiibbo yihiin ayaa sheegtay in qoysku ay aad uga xumaadeen arrinta lagula kacay