Golaha ammaanka ee QM oo cunaqabateynta ku kordhiyey Soomaaliya

un security c

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay muddo kordhin hor leh u sameeyey cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya, kadib codeyn ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda UK ayaa lagu daray in muddo hal sano ah ay cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo lagu daray waxyaabo cusub.

Natiijada cod bixinta ayaa ku soo dhammaatay 12 cod iyo 0, taas oo ay si aad ah uga xumaatay dowladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle oo ka hadlay muddada cusub ee lagu kordhiyey cunaqabateyna hubka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad xun yihiin tallaabada ay qaadeen golaha ammaanka, isagoo sheegay in loo baahnaa in Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab laga qafiifiyo cunaqabateynta.

Dhinaca kale waxaa codeynta la sameeyey ka aamusay dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea, kuwaas oo sheegay in waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha uu ku jiro cunaqabateynta.

Waxaa kale qodobada cunaqabateynta cusub ka mid ah ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya oo 8-dii sano ee ugu dambeysay ka mid aheyd, taas oo la sheegay in dhaqaale badan ka hesho kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo la filayo in dhowaan guud ahaan dalka laga saaro ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, amnigana lagu wareejiyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo sanadihii u dambeeyey lagu sameeyey qalabeyn iyo dib u dhis ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here