Gudiga joogtada baarlamaanka S oo go’aamiyay in berito goluhu ka doodo Qalbi Dhagax

farmaajo furitaank2aad baarlamaan9

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta ku go’aamiyay in berri oo arbaco ah la qaban doono fadhigii baarlamaanka ee baaqday Sabtidii, loogana doodi doono arrinta ku saabsan C/kariin Qalbi Dhagax.
Xogheynta golaha shacabka ayaa farriimo u dirtay xildhibaanada oo lagu wargeliyay in dhammaan xildhibaanada ka soo qeybgalaan kulanka beri ayna dhowraan waqtiga soo guda galo qodobada looga doodayo kulankaasi oo ugu horeyso arrinta Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada taageersan xukuumadda ee kasoo horjeeda in laga doodo arintaasi ayaa qorsheynayaan inay arrinta ka dhigaan mid dib loogu celiyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaanada taageersan ayaa ku kalsoon inay heystaan taageero ku filan oo kiiskan ay looga horjeedo ay ku laali karaan, kadib muddo toddobaad ku dhow oo ay olole ka dhex wadeen xildhibaannada.

Kulankan beri ayaa ah mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbidhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Cumar Maxamed Qalbidhagax.

Dowladda federaalka ayaa xiisada ka dhalatay u gacan gelinta dowlad Ethiopia sarkaalkan ka tirsanaa uurka ONLF culeys ku noqotay, isla markaana qeybaha bulshada kala kulmeysay dibadbaxyo iyo dhaleeceyn.