Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Somalia oo garsooreyaasha uga digay cadaalad darro

Baashe Yuusuf Axmed1
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa Garsooriyaasha uga digay inay ku kacaan cadaalad darro, iyadoo cidii lagu helo falkaasi la kulmi doonto cawaaqib aan la mahadin.

Baashe ayaa ugu goodiyay Garsoorihii lagu helo caddeymo ku saabsan inuu cadaalad daro wax ku xukumo xilka laga qaadi doono, sidoo kalena uu xabsi muteysan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Garsoorka uusan ahayn wax lacag laga sameeyo, balse uu yahay mid Shacabka loogu adeego oo cadaalad loogu sameeyo, hadii taasi laga waayo, ayuu tilmaamay Gudoomiyaha in aysan jiraynin nabad iyo amaan.

“Hadii aad tahay Garsoore u yimid maxkamadda inuu lacag ka sameeyo dib isaga laabo, Garsoorku ma ahan sidaasi. Waa meel bulshadda loogu cadaalad fallo” ayuu yiri Baashe.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda sare wuxuu kusoo beegmayaa, iyadoo Talaadadii lasoo dhaafay laga hergeliyay Muqdisho qalab la sheegay inuu Casri yahay, islamarkaana lagula soconayo dhaqdhaqaaqyadda Maxkamadaha dalka.

Wasiirka Cadaaaladda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuca lagu her-gelinayo barnaamijkan, kaasoo la sheegay inuu wax badan soo kordhin doono.

Garsoorka dalka Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladii dhexe sanadkii 1991-dii waxaa lagu eedeeyaa inuusan ahayn heerkii looga baahnaa, balse, qalabkaan cusub ayaa waxaa laga dhursugayaa isbedelka uu sameyn doono.