INTA DADKU BIYO WASAKHAYSAN CABAYAAN SHUBAN-BIYOODKU WUU JIRAYAA

Xuseen Cabdi Boos

Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa bilihii ina dhaafay waxay legdan kula jirtay Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka jira degaano Somaliland ka mid ah, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey uu ugu dara Gobolka Togdheer.

Warbixintii ugu dambeysay ee shalay oo kowdii bisha Juun ahayd, waxay tilmaamaysaa in aanu jirin kor u kac dhimashada iyo xanuunkaba, balse wax yar hoos uu u dhacay. Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay inay hada Ugaadhsanayaan ilaha xanuunka dadku ka qaadayo, gaar ahaan goobaha ay biyaha ka cabaan, oo ah meesha ugu sahlan ee xanuunku ka dhasho, shaqadan oo ayey waajib mar hore laga sugayey inay gudato Wasaarada Khayraadka Biyaha.

Dadaal kasta oo Wasaarada Caafimaadku sameyso wuxuu ku dambeynayaa hal bacaad lagu lisay inta Wasaarada Khayraadka Biyaha ee Somaliland kaalinteedii banaan tahay oo dadku cabayaan Biyo Wasakhaysan, oo ah isha kowaad ee xanuunkan dhaliya.

Waxay ahayd in Wasiirka Biyaha iyo Hawlwadeenadiisu ay heegan ku jiraan, oo degaankasta la hubiyo in bulshadu biyo nadiif ah cabayaan, si wadajir ah ay ula shaqeeyaan Wasaarada Caafimaadka. Ayaan daro Bakhaarada Wasaarada Khayraadka Biyaha waxaa ka buuxa Dawooyinka Biyo nadiifinta loo isticmaalo, xirfadleyaal tababaranina waa joogaan, laakiin cidii hogaamin lahayd ayaa Wasaarada ka maqan.

Todobaadkan oo xaaladu degaamada qaarkood ugu darayd, Wasiirka Biyuhu wuxuu ku maqnaa Kenya si uu ula kulmo nin ay isku ganacsi ahaan jireen, labadii bilood ee ka horeeyey wuxuu ku mashquulsanaa Biyaha Berbera iyo Cobolka Sool, inkastoo Madaxweyne Siilaanyo ka badbaadiyey, taasoo ka farxisay dadka goboladaas, sidoo kale xoogiisa wuxuu isugu geeyey Bali lacagtiisa khasnada Dawlada laga saaro oo iminka ah meesha ugu sahlan ee si fudud loo khamkhami karo, iyadoo aan mashruucii sidii la rabay loo fulin, WAXAA LA SHEEGAYAA IN MASHRUUC LOOGU TALO GALAY DEGAANKA FALEEDHYAALE IYADOO AAN LA FULIN LACAGTIISII OO 100 000 DOLLAR KU DHOW LA QAATAY, WASIIRKU WAA DIIDAY INUU KA HADLO.

Isku soo wada duuboo waxaa haboon in la ogaado inta shacabka Somaliland Biyo Wasakhaysan Cabayaan in Shuban-Biyoodku soconayo, Wasaarada Caafimaadka, xukuumada iyo Hayadaha Samafalkuna aanay waxba ka qaban karin.