Keating oo Golaha Ammaanka ka sheegay khatarta dagaal dhexmara Somaliland iyo Puntland (Warbixin Somaliya)

keating soodhoweyn muqdisho5

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo. Halkan ka akhriso iyadoo English ah

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abuur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedelka laamaha amniga.

Dr Ibraahim Farax Bursaliid ayaa sheegay in Keating uu u muuqday qof aan sawir sax ku dhow “sina ugu muuqday mid ka badbadis ah”.

Balse Keating wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajeheyso dhibaatooyin badan oo u baahan in laga caawiyo.

MEELMARINTA QORSHEYAASHA DOWLADA:

“Sida dowladaha kale ee cusub, wuxuu weli ku jiraa barbarasho,” ayuu yiri Keating, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii ay maamulka la wareegtay, muddo hadda laga joogo ku dhowaad Sannad, waxay wajahday dhibaatooyin badan oo khilaaf siyaasadeed iyo mid amni ay ka mid yihiin.

Balse Keating wuxuu sheegay in dowladda ay la timid ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arrimaha amniga.

“Diiradda wuxuu hadda saaran yahay howsha aasaasiga ah ee la wareegidda dhanka amniga”, ayuu yiri, isagoo sidoo kale tilmaamay “in dowladda federaalka ay meelmarinta qorshayaashan kala kulmeyso caqabado waaweyn”.

Wuxuu intaa ku daray markii uu ka hadlayay caqabadaha waxa ay yihiin: “Mid waa abaabulka farsamada iyo awoodda dhaqaalaha. Midna waa isku xirka wadajirka ah ee hay’adaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah”.

“Midda saddexaad waa in si guul ah loo maareeyo awoodda qeybsan oo hal dhinac laga dhigo; Waxaa ka mid ah maamul goboleedyada, xildhibaannada, dadka siyaasadda qabaliga ah kala gada, laamaha gaarka ah iyo beesha caalamka”, ayuu yiri Keating.

Dr Bursaliid ayaa qabo “in khudbadii madaxda dowladda Soomaaliya ee xuska sannad guudarada mid dhinaceeda kale ah uu qortay Keating oo ah sawirka wuu quruxsan yahay ha wada dhihina”.

MAAMULGOBOLEEDYADA:

Waxaa muddo soo taagnaa khilaaf wayn oo u dhexeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Intii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xilka hayay, waxaa soo baxay khilaafkii ugu xumaa oo ka dhashay arrinta Khaliijka. Wuxuuna sababay in mar ay kala fogaadeen dowladda dhexe iyo maamullada hoos yimaadda.

“Waxaa jiray xilli ay aad isugu xumaadaan dowladda federalka iyo maamullada, sannadkii tagay. Hadda xiriirka waa la isu soo dhoweeyay”, ayuu yiri Keating oo khudbo u jeediyay golaha amniga ee Qaramada Midoobey oo warbixin kooban ka siinayay xaaladda dalka.

“Qaabka iyo dhismaha hannaanka federaalka ee Soomaaliya weli waxaa ka taagan dood wayn, balse go’aanka cusub ee dowladda iyo maamul goboleedyada ee ah in laga wada shaqeeyo baahida Soomaaliya, waa mid muhiim ah si guul looga gaaro dhinac kasta”.

Dowladda madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada oo bilowgii bishii Nofembar ku shiray Muqdisho waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo iyo khuburo heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir oo kala shaqeeya wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrinta federaalka ay qusayso.

SIYAASADDA:

Khilaafka ugu wayn ee Soomaaliya ka taagan waxaa sabab u ah arrimaha siyaasadda iyo sida loo qeybsanayo, sida ay qabaan dadka arrimahan ka faallooda.

Dhammaadkii sannadkii tagay waxaa jiray khilaaf siyaasadeed aad u wayn oo kala dhexgalay siyaasiyiin iyo dowladda federaalka kaas oo sababay in siyaasi caan ah la xiro iyo in kuwa kale xannibaad la saaro.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Michael Keating wuxuu sheegayaa in arrimaha siyaasadda la xiriira ee Soomaaliya ay weli yihiin kuwo “isku dhex yaacsan”.

Balse markii madaxda Soomaaliya ay ku Shireen Muqdisho waxay ku heshiiyeen in ay ku wada shaqeeyaan jawi ku dhisan kalsooni, dulqaad, tanaasul iyo masuuliyad midaysan.

Wuxuu sidoo kale xusay Dr Barsaliid in Keating “u muuqdo mid ka badbadinaya caqabadaha, laakiin dhammaan waxaa moodaa in sawir sax ah u dhow yihiin”.

“Bishii Desembar xaaladda Muqdisho ayaa qasantay ka dib si rabsho ah ay laanta Sirdoonka iyo kuwa amniga ay u xireen siyaasi caan ah iyo weerar lagu qaaday guriga xildhibaan ka tirsan aqalka sare”, ayuu yiri.

Wuxuu intaa raacaiyay: “Xilka dhowaan laga qaaday maayarka Muqdisho, waxay sidoo kale dhalisay mowjado”.

Arrintaasi waxay cadeyn u tahay in ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto, sida uu sheegay Keating.

Caqabadaha wuxuu ku sheegay: “Shuruuc aan dhameystirnayn iyo ilaalinta hab maamulka siyaasadda, sida hannaanka xil ka xayuubinta”.

“Xeerar aan caddeyn iyo qaababka isla xisaabtanka ee qeybo badan oo ka mid ah laamaha amniga; iyo marxaladda sameynta musuqa iyo lacago aan la ogeyn meel ay ka yimaadeen oo suuqa siyaasadda dhex wareegaya”.

DIB U HESHIISIINTA:

Mid ka mid ah arrimihii uu ballanqaaday madaxweyne Farmaajo, xilligii la dooranayay, waxaa ka mid ahaa in dalka uu ka hirgelinayo dib u heshiisiin dhameystiran oo la dhex dhigo beelaha, maamullada iyo shakhsiyaadka wax kala tabanaya.

Keating ayaa Golaha Amniga u sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya “ay qorsheyneyso in ay bilowdo istiraatiijiyad cusub, bilaha soo socda” taas oo lagu “garwaaqsanayo wejiyada badan ee dabiiciga ah ee ay leeyihiin khilaafyada iyo cabashooyiinka dalka”.

Wuxuu tusaale u soo qaaday Galmudug wuxuuna yiri: “Horumarro muhiim ah ayaa la gaaray. Tan iyo 2015kii, Galmudug labo ayey u qeybsanayd oo kala ah maamulka gobolka iyo Ahlu sunna”.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu goobjoog u noqday munaasabadda lagu meelmariyay heshiiska labada dhinac oo Dhuusamareeb lagu qabtay,” ayuu Keating hadalkiisa sii raaciyay.

Balse weli waxaa qeybo ka mid ah dalka ka taagan khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka xudduudaha ah oo ka dhexeeya maamullada qaar ama qabaa’il, iyo khilaafyo ka dhashay awood qeybsi iyo wadaagidda kheyraadka.

Warbixin uu soo saaray Keating waxaa lagu xusay in “halis aan caadi ahayn oo muddo soo taagneyd ay ka dhexeyso Puntland iyo Somaliland.”

Wuxuu si gaar ah u xusay xaaladda “ciidammada isku hor fadhiya Sool in maalmaha soo socda ay isu badali karto mid dagaal oo dhalisa cawaaqib xumo ba’an”. arintani waxay timid wax yar ka dib markii maamul cusub ee la doortay uu xilka la wareegay dabayaaqadii 2017.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyayaasha labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland uu ku baraarujiyay in ay joojiyaan colaadda, in ay ciidammada kala baxaan meelaha la isku hor fadhiyo iyo in ay furaan qadad wadahadal.

AL-SHABAAB IYO AMISOM

Caqabadda ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay wajeheyso waa sida ay uga guuleysan karto Al-Shabaab, iyadoo AMISOM ay isu diyaarineyso in Soomaaliya ay ka baxdo.

“Al-Shabaab wali waa halis xoog leh”, ayuu yiri Keatin oo intaa ku daray “Marka dhinac laga eego way jabtay, taas oo ka dhalatay cadaadis dhanka dhaqaalaha ah, dagaalka argagixisada lagula jiro iyo duqeymaha dhanka hawada”.

Bartamihii Oktobar ee sannadkii tagay, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa, waxaana lagu dilay 512 qof ka dib markii qarax uu ka dhacay isgoyska Soobe.

Wakiilka gaarka ah ayaa sheegay: “Al-Shabaab shacab ayey afduubatay, dilal qorsheysan iyo xukunno dil ayey fulisay”.

Wuxuuse tilmaamay in “ciidammada gaarka ah ee SNA ay Al-Shabaab ka soo badbaadiyeen 36 caruur ah oo ay ku hayeen xero tababar, badankooda si qasab ayaa looga dhigtay ciidan”.

Laakiin, ciidammada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya waxay dalka ku sugan yihiin in ka badan 10 sano, waxayna howshooda ugu badan tahay in ay ilaaliyaan dowladda iyo xarumeheeda.

Ciidammada Soomaaliya ayaan isku tababar ahayn, waxaana soo kala tababaray dalal kala duwan.

Dr Bursaliid ayaa yiri: “Midda amniga waxay u muuqataa in beesha caalamku ku baraarugsanayn muhiimadda ay leedahay in xukuumadda Soomaaliya iyo shacabkeeda laga caawiyo in ay amnigooda gacanta ku qabsadaan”.

Keating ayaa ku ammaanay in AMISOM weli ay Soomaaliya u tahay “aasaas” marka laga hadlayo amniga dalka.

AMISOM “waxay qaadan kartaa ammaanta ah in ay sameysay masrax fursad siinaya in siyaasadda Soomaaliya ay horumar sameyso tobankii sano ee la soo dhaafay”, ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Balse in Al-Shabaab laga adkaado waxay u baahan tahay “militari iyo istiraatiijiyad siyaasadeed”, sida lagu xusay warbixin uu soo saaray machad cilmi baaris ka sameeya arrimaha amniga ee Soomaaliya. “Isticmaalka labadaasi wuxuu noqonayaa ul iyo diirkeeda,” ayuu hadalka ku daray.

Balse AMISOM “iskama joogi karto. 2018ka waxaa loo baahan doonaa dadaal dhab ah oo ka yimaada hoggaamiyayaasha Soomaaliya, midowga Afrika iyo beesha caalamka si loo sameeyo siyaasad iswaafaqsan iyo awood howlgal oo ay yeeshaan ciidammada Soomaaliya”.

Wuxuu Dr Ibrahim Farax Bursaliid qabaa in “halkii la xilliyeyn lahaa bixitaanka AMISOM in la xaaleeyo oo la yiraahdo; qaabkee ku bixi kartaa?” Wuxuu tusaale u soo qaatay “in ciidanka qaranka ay boqolkiiba 25 la wareegaan, AMISOM na ay 75 hayso illaa 50-50 noqdaan ka dibna dowladda ay 75 qaadato ka dibna ay gaarto in 100% ay Soomaaliya la wareegto amniga”.

Qaramada Midoobey ayaa ballan qaaday in ay sii wadeyso la shaqeynta midowga Afrika iyo maalgelinta laamaha amniga si loo helo hannaan joogto ah oo lagu maalgelinayo AMISOM si ay howsheeda u noqoto mid wax ku ool ah.

Balse wuxuu ammaanay sida ciidamada Soomaaliya loo mideynayo: “Horumar waa la gaaray. Ciidammo 2,400 ah oo ka tirsanaa kuwa Puntland ayaa lagu daray ciidanka xoogga dalka, taas oo mudan in ay ku deydaan qeybaha kale ee dalka”.

NO COMMENTS