Kenya oo sheegtay in saraakiil badan looga dilay weerarkii Mandera

astaanta kenya

Dowladda Kenya ayaa faah faahin rasmi ah ka bixisay weerar dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen gaari Bas ah oo ku socdaalayey nawaaxiga magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Saraakiisha ammaanka oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in lala beegsaday weerarka gaari ay laheyd sharikadda Madina, islamarkaana ay la socdeen 56 qof.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Wajeer, Loyford Kibaara oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in todobo ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen saraakiil Boolis ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku sii jeedeen shaqadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa kale oo saarnaa gaariga ay ka badbaadeen weerarkaasi, kadibmarkii ay ka boodeen daaqadaha, sida uu hadalka u dhigay.

Loyford Kibaar ayaa intaasi ku daray in kooxda weerarka fulisay ay toogteen dhamaanba dadkii aan muslimka aheyn ee Baska la socday.

Al-Shabaab ayaa dusha u ridatay weerarkaan, waxaana ay sheegtay in ay ku dishay dad Kiristaan ahaa oo qaarkood ka tirsanaa sirdoonka Kenya iyo shaqaalaha dalkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya lagu laayo Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana gobolkaasi marar badan weeraro ka fulisay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here