Khaatumo oo burburtay halgankii Cali Khaliif oo ku ururay Haamaha Berbera iyo Cirro oo feedh la hortaagan

Guud ahaan Maamulka Khaatumo ee Prof. Cali Khaliif hogaamin jiray ayaa hada ku dhex jira xaalad burbur ah iyo kala yaac, iyadoo awelba aanu ahayn maamul loo dhan yahay ayaa kooxdii Saaxdheer ee sameysatay waxay u kala baxday dhowr kooxood.

Xuduudka Itoobiya waxaa ka socda Mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiye ku xigeen Baarlamaanka Khaatumo oo hogaaminaya garab ka mid ah garabyada Cali ka go’ay.

Isimadii soo jireenka ahaa, siyaasiyiin iyo waxgaradkii Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa iyaguna diiday inay la kulmaan, iyadoo la xaqiijinayo in Isimka keliya ee soo jireenka ah ee ku hadhay Cali Khaliif inuu yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo uu abaal ku leeyahay sameyntiisii, iyadoo si gaara loogu xanto Garaadka Cali Khaliif.

Garab hubaysan oo sheegtay Jabhada midnimada Somalia ayaa iguna todobaadkan sheegay in aanay hoos tegin oo ka madaxbanaan yihiin, iyagoo sheegay in Cali Khaliif uu xor u yahay ciduu la heshiinayo laakiin aanu iyaga metelin.

Xogaha laga helayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegaya, inuu jiro wadahadal iyo heshiis hoose oo ay wada galeen Cali iyo Xukuumadda Siilaanyo, kaas oo saameyn ku yeeshay Haamaha Berbera, oo dadka shacabka ahi u aanaynayaan in Shirkadda doonaysaa inay la wareegto Haamaha Shidaalka Berbera ay qayb ka ahayd heshiiska.

Dhanka kale waxaa caqabad noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageero ka haysta Xildhibaanada mucaaradka iyo dadka shacabka ah, oo ishortaagay in si fudud oo sanqadh la’aan ah lagula wareego Haamaha Berbera, taasoo iminka noqotay caqabad hortaagan.

Si kastaba hayska ahaatee Cali Khaliif weligiis xil loo igmaday sanad ka badan ma haynin, waana kii intuu burburiyo hadana Baxsada.