KOOX MADAXTOOYADU DIRSATAY OO LAASCAANOOD BAJAAJ LOOGA BIXIYEY

Bajaajiin

Koox dhalinyaro ah oo ilaa shirkii Awrboogays uu Maxamuud Xaashi si gaar ah u tababaranayey ayaa hawshii ugu horeysay oo tijaabo ah bishan bilowgeedii loo diray, kuwaas oo markii ay Gobolka Sool tageen loo bixiyey naanaysta Bajaaj.

Bajaaj
Bajaaj waa mooto sadex lugo ley ah oo siyaabo badan loo isticmaalo, haddii aad Laascaanood joogtana waa waxa ugu badan ee aad ka baqayso inay ku jiidho.

Bajaajtu waxay bedeshay oo looga raystay taksiyadii iyo basaskii Magaalada dhexdeeda, oo suryo walba bajaajta ayaa qiimo jaban kugu geynaysa.

Dhalinyaradan Bajaajta loo bixiyey ee Maxamuud Xaashi soo dirsaday waxaa lagu bedelay koox 26 sano lahayd Somaliland baanu kaadidayada u soo cabnay, balse hada la ogaaday inay taageero ku lahayn Beesha Dhexdeeda.
Koox Somaliland

Dhalinyaradan Bajaajiinta loo bixiyey ayaa meelaha Bajaajta lagaga metelay waxaa ka mid ah qiimo jabnaan, shiidaal cunid la’aan, si fudud oo loo isticmaalo, iyadoo dadkii ay la kulmeen sheegeen in wixii lagu wada hadlayey ay telefoonada ku duubeen oo cidii soo dirtay u direen, waxyaabaha ay soo kordhiyeen waxaa ka mid ah inay dadkii degaanka shaxaadaan, iskadaa wax laga faaiidee.

Shacabka Gobolka Sool ayaa soo dirista Bajaajka siyaabo kala duwan u arkay, inta ugu badani waxay isku raacday inay ka mid ahaayeen qorsheyaal la doonayey in Shacabka Gobolada Sool iyo Sanaag lagaga xanaajiyo si aanay Kaadhadhka u qaadan, balse waa la fahmay oo kaadh qaadashadu waxay u dhacday sidii ugu wanaagsanayd.

Dhanka kale xogaha qaar ayaa sheegaya inay horbaxanyo u yihiin Musharax Madaxweyne Kuxigeen Macbil ah oo Xisbiga UCID oo kooxo ujeedo gaar ah lihi doonayaan inay codk beesha ku lumiyaan xisbi iyo jago ma kore ah, taasoo ka mid ah hadimooyin ay xubno gaar ahi degaanka u maleegayaan.

Sikastaba hayska ahaatee isticmaalka kooxdan ayaa ah wax bilow ah oo meeshii la doono 3000 oo gimbaar ah ku tegaya, waxaana loo carbinayaa inay bedelaan oo shaqo tiraan kooxda cuslaatay oo beryihii dambe fashil siyaasadeed oo xoog lihi soo food saaray, iyadoo durbaba la sheegayo in qiimahoodii qaaliga ahaa laga reystay.