KOOXDII XIRSI OO KHILAAFKA WADDANI SII HURINAYSA MAXAA UGU JIRA? IYO CIRRO OO XAALADU KU ADAG TAHAY

isbahaysigii kulmiye

Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo kooxdiisii oo beryahanba siyaasada Somaliland ka rajo dhigsanaa, kadib markii ay faro madhan kala yimaadeen degaamadii laga filayey inay cod ka keenayaan, taasoo kashiftay karaamada ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin, oo noqotay mid aad uga hoosaysa cabirkii ay haysteen, ayaa waxaa nayaayilo iyo rajo ku abuuray khilaafka Xisbiga Waddani ee ay kala hogaaminayaan Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Xoghaye Guud Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Sida la xaqiijinayo horjoogaha kooxdan Xirsi oo iminka dibada ku maqan, ayaa saaxiibadii oo goobo kala duwan ku sugan u sheegay in khilaafka Cirro iyo Uurcade u yahay fursad weyn, islamarkaana Uurcade Xoghayaha Guud laga riixaa ay tahay rajadii ay kula wareegi lahaayeen Xisbiga Waddani, isagoo ugu baaqay in af iyo adinba lays barbar istaago Cirro, iyadoo saxaafada Xirsina ay bilowday qoraalo ay ugu talogaleen inay ku wasakheeyaan sharafta iyo kalsoonida Uurcade, iyagoo soo daabacay qoraalo been abuur ah oo sheegaya inuu kulamo la qaatay xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Kooxdan oo khilaafkan dartiis loo siiyey Gudoomiye kuxigeen sharci daro ah, ayaa aaminsan haddii Uurcade Xoghayaha Guud laga riixo ay kooxdoodu si fudud u helayso Booska Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, taasoo u sii fududaynaysa inay Xisbiga oo dhan si fudud ula wareegaan, maadaama uu meesha ka baxay Uurcade oo ahaa caqabad hortaagnayd.

Dhanka kale Gudoomiye Cirro ayaa xaalad adagi la soo deristay, kadib markii siduu filayey ay u fududaan weyday inuu Xoghayaha Guud booska ka riixo, maadaama uu yahay xubin Shirweyne lagu doortay oo la siman, xilkana shirweyne kale lagaga qaadi karo, hadaanu dembi cad gelinin.

Cirro ayaa maalmihii ugu dambeeyey abaabulayey xubno uu isagu magacowday, oo uu ku tilmaamay Hagaanka Xisbiga iyo Gudiga Fulinta, isagoo u sheegay inay soo saaraan” IN XOGHAYE GUUD UURCADE FASAX QASAB AH OO SANAD AH LA SIIYO” maadaama aanay xilka ka qaadi karin, arintan oo ah sharci daro ayaan Uurcade aqbali doonin sida ku cad warsaxaafadeed uu soo saaray, waxayna ku dambeyn doonta Maxkamad.
HALKAN KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKII UU SOO SAARAY XOGHAYAHA GUUD EE WADDANI