Madax-dhaqameed ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland oo Garoowe kulamo qarsoodi ahi uga socdaan

puntland iyo somaliland

Sida ay xubno lagu kalsoon yahay u cadeeyeen xaysimo.com, waxaa magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku sugan ergo nabad raadineed oo reer Somaliland ah oo qarsoodi ah, kuwaas oo isugu jira Madax-dhaqameed iyo qoorweyn kale.

Ergadan oo sheegtay inay kalsooni ka haystaan Xukuumada Somaliland, ayaa shalay la kulmay qaar ka mid ah Madax dhaqameedyada Puntland oo loo xilsaaray inay kala xaajoodaan nabadraadinta Puntland iyo Somaliland ee ay ku baaqayaan, si looga baaqsado in dhiig hor lihi ku daato degaanada Tukaraq.

Labada dhinac ee kulanka qarsoodiga ahi uga socdo Garoowe, ayaa la sheegayaa in aanay weli gaadhin natiijo la taaban karo, iyagoo maanta mar kale dib u kulmi doona, si ay u sii amba qaadaan wadahadalkooda.

Natiijada kulamadan labada dhinac ee hoos loo wado ayaa la filayaa inay guuldaro ku dhamaadaan, maadaama aanay shacabka Puntland marna aqbalaynin wax wadahadal ama nabadeyn ah ilaa Ciidamada Somaliland ay dib ugu laabtaan degaanka Oog, taasoo ah midaan laga filan karin xukuumada Somaliland oo iska daa dib u noqoshee, looga fadhiyo inay soo xidho Xuduudka Somaliland.

Ergadan ayaa la sheegayaa inay asal ahaan ka soo jeedaan beelaha lagu naaneyso Jeegaanta, iyadoo la xaqiijinayo inuu hogaaminayo Isim ka soo jeeda barriga Burco. Horey Boqor Buur-Madow ayaa xabsi ugu mutaystay nabadeynta Somaliland iyo Puntland, iyadoo weliba waqtigaas Buur Madow la haystay fursado badan oo aan maanta suurtoobayn.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmaha soo socda la saadaalinayey in labada dhinac uu dagaal culusi ku dhex maro Aaga Tukaraq.

Ergadan Somaliland oo tiradooda lagu sheegay illaa 7 xubnood, waxaan ku raad joognaa sidii aan idiinku soo gudbin lahayn Magacyadooda, cida ay la kulmeen iyo qodobada laga wada hadlay.