Madaxdhaqameed Reer Somaliland ah oo Garoowe hungo kala soo noqonaya

puntland iyo somaliland

Waxaa labadii maalmood ee igu dambeeyey Magaalada Garoowe ku sugnaa Madax-dhaqameed iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo sheegay inay u socdeen xal u helida Colaada Puntland iyo Somaliland.

Ergadan ayaa kulankii ugu horeeyey la yeeshay qaar ka mid ah Isimada Puntland, kaas oo aakhirkii ku dhamaaday natiijo la,aan, kulankii labaad ayey hadana maanta wada yeesheen, isna wuxuu ku gebageboobay guuldaro, iyagoo sidaas ku kala faataxaystay.

Isimada Puntland ayaa sheegay in nabadgelyadu ka bilaaban doonto Ciidamada Somaliland oo Gobolka Sool ka baxa, inta ka horeysana aanay wax wadahadal ahi suurtoobay.

Ergada dhinaca Somaliland ka socotay ayaa doonayey in ciidamada la kala qaado oo lagu celiyo meelihii ay horey u kala joogi jireen oo macnaheedu yahay Gambadhe, soo jeedintaas oo ay ku gacansaydheen Isimadii Puntland, taasoo keentay inay natiijo la,aan ku kala tagaan.

Arintan ayaan labada maamul midkoodna ka hadlin, sidoo kale qolada Somaliland ayaan la hubin inay meteli karaan Somaliland.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka Somaliland ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan degaamadii ay ka yimaadeen.