Madaxweyne Farmaajo oo todobo arrimood u sheegay Soomaalida

farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la hadlay boqollaal qof oo isugu tagay garoonka Koonis, ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkii ku dhammaaday qarixii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhacdadaas ku tilmaamay xusuuq loo geystay dad Soomaaliyeed. Weerarkii Soobe waxaa ku dhintay ugu yaraan 281 qof, 300 oo kalena way ku dhaawacmeen.

Hadaba Qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo uu ka hadlay ayaan halkan ku eegeynaa:

KA JAWAABIDA FALKII DHACAY

Madaxweyne Farmaajo ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen weerarkii isgoyska Soobe, kaas oo loo adeegsaday gaari xamuul ah. Alshabaab ma aysan iska fogeynin eedeynta dowladda, mana aysan sheeganin mas’uuliyadda weerarka.

“Maalintii falka uu dhacay ee 14kii Oktobar waa maalin ay umadda Soomaaliyeed xasuusan doonaa 100 ka sano ee soo socota,” ayuu tilmaamay madaxweynaha.

“Waxay isugu jireen Hooyo, Aabe, caruur, wiilal iyo gabdho oo aan waxba galabsan oo gacan ka xaq daran ay dishay,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dadkii ku dhintay weerarkaas ayuu ku tilmaamay mujaahidiin, “Faataxada aan u marno si Alle janada u geliyo,” ayuu yiri madaxweynuha oo sidoo kale u duceeyay kuwa dhaawaca ah ee isbitaallada ku jira.

“Waxaa lagu xasuusan doonaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed uga jawaabaan musiibada dhacday iyo xasuuqaas umadda Soomaaliyeed loo geystay. Sida aan ugu jawaabno Al-Shabaab waa wax ay aqrisan doonaan dhallaanka soo socda, taariikhdana way ku qormidoontaa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa wacad ku maray in si degdeg ah uga jawaabi doonaan falkaas ka dhacay Soomaaliya, “si lamid ah jawaabihii ay ka bixiyeen dhibaatooyiinkii dalka soo maray.”

Farmaajo ayaa markii la doortay sheegtay in Al-Shabaab uu baabi’in doono laba sano gudahood, wuxuuna u sheegay dhallinta ka mid ah in ay muddo koobadn isku soo dhiibaan.

“Haddii aynaan ka jawaabin waxa maanta ay sameeyeen, dhibaatadaan way sii soconeysaa illaa hilbeheena aan ka aruursano dhulka. Ma u dulqaadaneysaa midddaas?” ayuu yiri madaxweynaha.

MIDNIMO IYO WADDANIYAD:

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatadii dhacda ay ku badalayaan midnimo iyo waddaniyad. “Musiibadan dhacday waxay ahayd dhibaato kulligeen nagu wayn,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ka dib markii la doortay, Farmaajo waxayaabihii ugu horeeyay ee uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa in dadka ay dalkooda jeclaadaan, sidoo kale ay qeyb ka noqdaan dib u heshiisiin lagu midoobayo.

“Waxaa doonaynaa in dhallinyarada Soomaaliyeed u kacaan sidii dhallinyaradii horee Soomaaliyeed ay ugu keceen dhibaatooyiinkii dalkan uu soo maray.”

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan wajaheysay culeesyo kaga imaaday dhanka maamul goboleedyada iyo arrintii Qalbi Dhagax loogu wareejiyay Ibootiya.

AL-SHABAAB IYO DILALKA

“Waxaan ognahay oo qormaysa in Oktobar 14keeda wixii dhacay in ay ka turjumayso, wixii horey loo soo maray oo ay Shabaab geysteen in aynaan ka jawaabin,” ayuu madaxweyne Farmaajo u sheegay dibadbaxayaasha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in “Al-Shabaab waxay u socdaan in marba mark aka dambaysa ay yiraahdaan intii hore oo aan dilnay, ka badan in aan dilno weeye.”

Arrinta mushaarka ciidamada sugaya amniga waxay ahayd waxyaabaha uu muhiimadda siinayay madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab.

“Waxay billaabeen inay dilaan 10, waxay ku xijiyeen 20, waxay ku xijiyeen 100, hadana waxay marayaan in ay dilaan 300 oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu Al-Shabaab ku eedeeyay in ay go’aansadeen in ay Soomaaliya “yeelan dhaqaatiir iyo mutacallimiin”, wuxuuna sheegay in aanan looga jawaabin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in “Al-Shabaab ay doonayaan in ay baabi’iyaan Soomaalida oo dhan”.

Tan iyo intii xukuumadda cusub ay la wareegtay hoggaanka dowladda federaalka, waxaa caasimadda laga ka howlgalayay ciidamo loogu magacdaray xasilinta caasimadda, kuwaas oo dadaalo badan ay sameeyeen ka dib, waxaa soo hagaagay amniga.

Balse, tallaabadaa ayaa hadda u muuqato in ay taageero uga baahan tahay shacabka. Madaxweynaha ayaa dibadbaxayaasha waydiiyay “Ma sugeysaan illaa Al-Shabaab ay na dhammeeyaan?”, waxayna ugu jawaabeen “Maya”.

DHIIRIGELINTA DHALINYARADA

Inta badan madaxda marka ay hadlayaan waxay ku hal qabsadaan dhiiragelinta dhallinyarada iyo in howlaha amniga ay qeyb ka noqdaan.

Farmaajo ayaa yiri: “Waxaan idiin sheegayaa dhallinyarooy, idinkaa la rabaa in aad u jawaabtaan Al-Shabaab,” ayuu ku kiciyay dhallintii ku sugnayd garoonka Konis.

Wuxuu ka dalbaday in dhallinta hadda ay la mid noqdaan kuwii Soomaaliya ka xureeyay gumaystaha.

Waxyaabaha dowladda madaxweyne farmaajo looga fadhiyay waxaa ka mid ahaa in ay sameyso barnaamij shaqo loogu abuurayo dhallinyarada, taas oo uu ballan qaaday ka dib markii la doortay.

Dhowaanahanna waxaa Muqdisho ka socda shaqa abuur la sheegay in dhallinta loo sameynayo si looga hakiyo tahriibta iyo dagaallada.

“Dhallinyaro, waxaa la idiinka rabaa in aad u kacdaan umadda Soomaaliyeed oo dhiigiina u hurtaan, oo aad u dhimataan dalkiina, oo aad dhisataan dalkiina, waa waxa kuwa hadda jooga iyo kuwa dhallan doono ay idiinka sugayaan”.

“Dhallinyaro, iskoolaad dhigataan, markaad dhamaysaan, xagee u shaqo tageysaan? Ma meel jidadka la idiinku xasuuqayo?”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhallinta ku dhiirageliyay: “Musiibadaan waa in aad u bedeshaan midnimo, wayna billaabatay.”

CIIDANKA DIFAACA DADWEYNAHA

Magaalada Muqdisho waa meesha ay ka dhacaan weerarada sababa dhimashada ugu badan ee shacabka gaarta. Hoteello, maqaayado iyo meelo kala duwan oo kale ayaa weeraro lala eegtay.

“Waxaan idiinkugu baaqayaa maanta oo maalin taariikhi ah, oo anagoo ka jawaabayna maalintii madoobeey oo Shabaab shacabkeenu xasuuqeen. In aan dhisano difaaca shacabka oo aan la dagaallanno Shabaab,” ayuu tilmaamay Farmaajo oo si wayn ay ugu sacbinayeen dadkii fagaaraha isugu tagay.

Madaxweyne farmaajo ayaa u muuqday in uu si adag u dhiiragelinayay dhallinyarada, inta badan khudbadii uu ka jeediyay Konis.

Balse muusan cadeyn in ciidamada difaaca dadwaynaha laga hirgelinayo dalka oo dhan, ama in ay ku kooban yihiin Muqdisho oo keli ah.

“Waxaa la idiinka rabaa in aad difaacdaan hooyooyiinkiina, U kaca difaaca deriskiina, u kaca difaaca qarannimadiina,” ayuu yiri Farmaajo.

“Difaaca dalka waa muqdas, difaaca dadku waa muqadas, difaaca diintu waa muqadas, dib uma noqonayno, anigaana u horeeya oo safaka hore galaya”.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in ciidanka difaaca dadwaynaha ay billaabayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Farmaajo ayaa yiri: “Qof kastoo Soomaali ah waa in uu qoriga qaato, qof walba waa in uu difaaca ka qeybgalo. Waxaa kow ka ah shaqaalaha dowladda, waxaa labo ka ah idinka, shacabka Soomaaliyeed.”

“Hadeynaan is difacin, Al-Shabaab halkan ayay soo galayaan, dalkaanna nolol uma hayaan. Waxaan ku ballanay siduu dalkan ku noqon xor. Inta ay shabaab joogaanna waa gumeysi, dalkaanna xor ma aha.”

Marka laga hadlayo weerarkii ugu dambeeyay ee Soobe waxaa lagu tilmaamay in qasaaraha uu ka badan karo sida la moodayo.

Cabdiraxmaan Sahal waa cilmi baare arrimaha xagjirnimada, BBC-da u sheegay sababta aysan Al-Shabaab u sheegan weerarkaa. “Waxay u aamuuseen waxaa weeyaan qaraxan waxa lagu gumaaday shacab, carruur iyo dumar. Qasaaraha aad buu u badan yahay, taas marka waa dhagar in qofka wixii uu sameeyay uu ka aamuso, waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin haddii aad sheegataan khilaaf dhexdiina ah armuu yimaadaa” ayuu yiri.

Balse madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: “Xor uma ahidiin in aad dhaqaalo samaysataan, xor ma u ihidiin in aan shaqeysataan, xor kama aha in aad aqoon samaysataan, xor uma nihin in adduunka noo yimaado oo na maalgashado. Waa balaayo na hortaagan. Aan u midowno difaaca dalka.”

Wuxuu madaxweynaha qiray in dhaqaale gaarayo 14 milyan oo dollar oo loogu talagalay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la sameeyo xarrumo lagu xareeyo agoonka waalidkooda ay ku dhinteen dagaallada Al-Shabaab.

KALA QAYBSANAANTA

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in la joojiyo khilaafka. “Waxaan idiinkiugu baaqayaa in aydaan tagin caasimo shishiiye oo dalkan aydaan ku soo noqon adinkoo burburinaayo,”

“In aan kala qeybsanaano waa xaaraan. Dhibkaan dhacay aan cashar ka qaadano oo aan midowno, siyaasiyiinta ay ugu horeeyaan.”

“Waxaa idiin sugaayo Shabaab, marka in aan u midowno waan ku qasbannahay. Waxaan idiin waydiisanaynaa, shacabkiina dhinac ka soo gala, Safka soo gala. Aan u midowno sidaan shacaab uga adkaan lahayn, aan u midowno sidaan dalka u xorayn lahayn. Ka taga, ha aadinna caasimadaha la idiinkaga yeerayo,” ayuu yiri madaxweynaha oo u muuqday in uu canaananyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa.

Inkastoo madaxwayna uusan si toos ah uga hadlin arrinta khilaafka ee maamul goboleedyada kala dhexeeyo, hadana wuxuu si adag ula hadlay siyaasiyiinta guud.

“Waxa is haysto Soomaali ma ah, waa dad walaalo ah Soomaalida. Waa lagu dhexjiraa Soomaali, weligoodna waa lagu dhexjiray, iyagaana la isku adeegsanaayay. Ma dooneysaa in la isku kiin diro? ma dooneysaa in hub la isugukiin dhiibo? Anigu yeelimaayo, Ma yeelaayo,” ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha.

Shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada oo dhowaan ku shiray Kismaayo ayaa ku dhaliilay dowladda wadashaqeynta ay la leeyihiin. Arrintaa ayaana ka dhalatay go’aannada is khilaafsan ee laga qaaday khilaafka dalalka Khaliijka.
Wuxuu intaa ku daray, “nin siyaasi ah ka yeelimayno in nalagu soo diro, uu xabad nagu noqdo, uu na qarxiyo, iyadoo shabaabkuna saas yihiin. Waxaan idiinkula talinaynaa, soo gala dagaalka, aan dalka xoreyno, ka dib anaga aan isu soo jeesano.”

DARDAARAN IYO ISCAFIS:

“Dhibaatooyiin badan iyo musiibooyiin ayaa dalkan ka dhacay, muddo badanna aan ku soo jirnay. Dhibaatooyiinkaas waxaa sabab u ah in aan Alle ka fogaanay,” ayuu yiri Farmaajo oo la hadlayay dibadbaxayaashii isugu tagay garoonka Konis.

Wuxuu intaa ku daray, “anaga waan isu naxariisan waynay, waan is cafin waynay. Marka Alle waxaan waydiisanaynaa in uu nacafiyo. Kulligeen aan Ilaahay dib ugu noqono. Anagana aan is cafino, wixii dhacayna aan ilowno.”

Shalay, qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka dhacay dibadbax ka dhan ah weerarkii Soobe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaali walaalo tahay, “haddii aan Alle cafis waydiisan oo aynaan is cafin, dhibaatadaan way soconeysaa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeybgalay howlaha gurmadka loo sameeyay dadkii dhibaatada ay ku gaartay qarixii ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca.

Dhallinyarada Gurmad252 iyo dowladda Soomaaliya caawiyay ayuu sidoo kale u mahadceliyay, madaxweyne Farmaajo.
Bog Facebook laga sameeyay oo ay aasaaseen dhallinyarada Gurmad ayaa gacan ka gaysanaya in la aqoonsado dadka la dilay iyo kuwa wali lagu la ya’yahay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca muddo toban sano ka badan.