MADAXWEYNE GAAS: GOONI-U-GOOSATADA SOOMAALIYA KALA GOYNAYSAA TUKARAQ NABAD KU JOOGI MAAYAAN DAGAALKUNA WAA SOCONAYAA

war deg deg

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” oo maanta dib ugu soo laabtey magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaadey gobolka Sool.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Madaxweyne Gaas ayaa marka hore uu hambalyeeyay Ciidamada maamulkiisa ee ku sugan jiida hore ee dagaalka, ee ka difaacaya dadka hororka ah ee doonaya inay dal iyo dhul aysan lahayn intay ku soo duulaan oo qabsadaan si nabadgelyo ah ku joogaan, taas waxaan u sheegayaa in aanay suurtogal ahayn.

“Gooni u goosatada rabta inay dalka Soomaaliya kala goyso, u soo tafaxaydatay inay dhiig Soomaaliyeed ay daadiyaan waqti nabad dalku uu yahay, bil cibaado la galay, inay dalka intay ku soo duulaan ay dhiig daadiyaan, waxaan u sheegayaa Muuse Biixi iyo Dawladiisa Gooni-u-goosadka ah in ay Puntland diyaar u tahay inay dalkeeda difaacdo, iska celiso cidkasta oo ku soo duusha, waxay ku socdaan xaqdaro, dhul aysan lahayn bay doonayaan inay xoog ku qabsadaan oo ku haystaan suurtogala maaha”. ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Dadka Reer Puntland gudo iyo dibadba waxaan u sheegayna inay u diyaargaroobaan difaaca dalkooda, dagaal dheeraanaya iyo inay sharaf iyo cisi ku noolaadaan” ayuu ku daray Gaas.

Gebagebadii Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Meesha uu ka yimid Muuse Biixi waad garanaysaan, Hargeysa ayuu ka yimid, Tukaraq buu doonayaa inuu yimaado oo nabad ku naaloodo suurtogalna maaha, saas baan u sheegaynaa”

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa imanaya xili la sugayey in saacadaha soo socda uu dagaal lagu hoobtaa Puntland iyo Somaliland ku dhex maro Tukaraq.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKII M GAAS