Maxaa Kakuma loogu xushay martigalinta madasha TEDx?

ayaantedx

Waxaa markii ugu horeesay xerada qaxootiga ee Kakuma lagu qabtay bandhiga caalamiga ee TEDx, kaasi oo inta badan dadka indheer garadka, qaxootiga horumarka ka gaaray noolashada iyo khubaro caalami ah ay kusoo bandhigaan tusaalooyin wax tar u noqon kara qaxootiga.

Dadka kasoo qeybgalay bandhiga TEDEx oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabtay xero qaxooti, una badnaa dad kusoo barbaaray qaxootinimo ayaa ka sheekeyay dhibaatooyinkii ay noolasha kasoo mareen iyo collaadaha ka taagan dalalkooda.

Dadkaas waxaa kamid ahaa Xaliima Aadan oo ah gabar Soomaali ah oo kusoo barbaartay xerada qaxootiga ee Kakuma balse dib u dejin ka heshay Mareykanka, haatan na caan ku ah xayeysiinta dharka ay xirtaan dumarka Islaamka.

Xaliima waxaa ay si aad ah uga sheekeysay caqabadaha ku hareereysan dumarka qaxootiga iyo in sida looga bixi karo dhibaatooyinkaasi ay tahay in wax la baro dumarka.

TEDx waa madal ay la isku waydaarsado aragtiyo kala duwan ayna khudbado ka jeediyaan dad nolosha guulo ka gaaray, si ay dadka ugu sheegeen in ay caqabado soo mareen kana gudbeen, qof kastana uu sidaa yeeli karo haddii uu dadaalo.

Sababta xerda qaxootiga ee Kakuka loogu doortay ayaa ah in ay hoy u tahay dad ka soo kala jeedo qawmiyado badan.

Sidaas daraadeedna TEDx waxaa ka hadlay qaxooti kale oo kasoo kala jeeda dalalka Suudaanta Koonfureed iyo DRC Congo, kuwaasi oo ka shekeeyay dhibta ay collaadu ku reebtay noolashooda iyo markii ay yimaadeen qaxootiga sida ay uga guul gareen Noolasha.

Inta badan dadkii ka hadlay halkaasi waxaa ay qaxootiga ku boorinayeen in noolasha qaxootinimada laga bixi doono,balse ay ku dedalaan waxbarashada carruurta, gaar ahaan waxbarida gabdhaha.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay khubaro caalami ah oo ka kala socday bangiga adduunka, hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya, waxayna inta badan sharraxaad ka bixiyeen horumarka ay qaxootiga ku tallaabsan karaan, iyagoo tusaale usoo qaatay qaxooti badan oo horumar gaaray, kuwaas oo ay kamid yihiin Xaliima Aadan oo caan ku ah xayeysiinta dharka iyo nin kale oo qaxototi ah oo guul ka gaaray ciyaarihii Olympikada ee Brazil lagu qabtay.