MAXAAD KALA SOCOTAA UJEEDADA IYO CIDA KA DAMBEYSA MUSHARAXA MADAXWEYNE XIGEEN UCID OO SSC KA SOO JEEDA

Xisbiga UCID waxaa lagu tilmaamaa guri fiilo ah oo marba Faysal Cali Waraabe nin hanti haysta ka kireeyo, oo uu kaga gudbo marba xaalada markaas taagan, iyadoo la sheego in Jamaal Cali Xuseen uu ahaa Kiraystihii ugu dambeeyey, laakiin sanadkan waxaa isa soo taraya warar ka duwan kuwii hore oo sheegaya in Faysal Cali Waraabe uu Magacaaban doono Musharax Madaxweyne kuxigeen ka soo jeeda degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC).

HADABA WAXAA ISWEYDIIN MUDAN SABABTA FAYSAL KU KALIFAYSA INUU SANADKAN KA TANAASULO QOF KA SOO JEEDA DEGAAMADA SSC OO AANU KA HELAYN DHAQAALAHA UU U BAAHAN? CIDA KA DAMBEYSA IYO UJEEDOOYINKA AY KA LEEDAHAY?

Waxaa xeel dheerayaal iyo falanqeeyeyaal badani isku raacsan yihiin in arintani ay salka ku hayso khilaafka iyo hardanka weli ka taagan cida GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE noqon doonta Muuse Biixi Cabdi dabadiis, waxaana loo tirinayaa inay dabada ka riixayaan xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Barriga Burco, waxaana looga golleeyahay dhowr ujeedo.

A. Goolaaftan la doonayo in Muuse Biixi lagu ogolaysiiyo inuu kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo xubin ka soo jeeda Barriga Burco, gaar ahaan Beesha Muuse Abokor, maadaama beesha Maxamed Abokor ay horay u soo qabatay awooda dalkana ay mudo ku cuna duubnayd sida Siilaanyo, Saleebaan Gaal, Xirsi, Cali Mareexaan, Maxamed Kaahin, sidoo kalena waxaa jiray balamo iyo heshiisyo hoose oo la galay markii lagu jiray halgankii dheeraa ee Madaxweyne Siilaanyo lagu soo saarayey.

B. In haddii Muuse Biixi ku loodsami waayo goolaaftan laga shaqeeyo qorshe lagu ridayo Muuse, islamarkaana la dhisto Xisbiga UCID, iyadoo gundhig looga dhigayo codka Barriga Burco iyo degaamada SSC, waxaana xisbiga loo qaybsanayaa:

1. MUSHARAXA MADAXWEYNAHA FAYSAL CALI WARAABE.
2. MUSHARAXA MADAXWEYNE XIGEEN DEGAAMADA SSC.
3. GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID BARRIGA BURCO.

Boosaska kale ee muhiimka ah ee Xisbiga UCID waxaa loo qaybin doonaa beelaha kale.

Qorshahan ujeedadiisu maaha in UCID uu doorkan Doorashada ku guuleysto, balse waa in Kulmiye dhaco, UCIDNA isu diyaariyo doorka dambe.

C. Qorshaha oo dhan waxaa saldhiga u ahi waa in codka cusub ee degaamada SSC ka soo kordhin meel cidlo ah iyo xisbi cilin noqday lagu shubo, iyadoo xubnaha hawshan wadaa aanay doonayn ama raali ka ahayn in cod SSC oo iyaga ka madax banaani aanu jiran, Reer SSC layma dhaafi karo waa arin mudo dheer ka soo jirtay Somaliland.

In codka degaamada SSC cidlo ku dhaco mudo ayaa laga soo shaqaynayey, taas oo ka soo bilaabantay tan iyo markii la ogaaday inay iska diiwaangelinayaan tiro intii horay looga bartay ka badani, qorsheyaasha la diyaariyey waxaa ka mid ah dhalinyaro Gobolka Sool Bajaaj looga bixiyey, kuwaas oo ku magacaaban Agaasimeyaal, laakiin dhinac ay ka maraan aan garanayn, siyaasadna aan waxba uga bilownayn, hadalhayntooduna ugu badan tahay Somaliland iyo Jacaylka Maxamuud Xaashi, waxaana loogu talogalay in loo isticmaalo madal hufinta codka Beesha iyo in Beeshu iyadoo midaysan aanay si madaxbanaan Xisbi qudha ula heshiin codkeeduna hal meel ah u wada marin.
Bajaaj

Dhibta inaan beeshu Xisbina wax la gelin Bajaajiinta oo keliya maaha ee waxaa jira xubno badan oo Hargeysa ku dhaqmay oo hadday cid dirsata helaan aan soo jeesanayn kuwaas oo ku kala jira Goleyaasha Somaliland ama qoraxjoog ah.
Koox Somaliland

Sdoo kale Xisbiyada ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad ku milmay oo danahooda keliya eegaya.
C/Rissaq

MAXAA LA GUDBOON CODBIXIYEYAASHA DEGAAMADA SSC?

LA SOCO