Maxay tahay sababta dadka qaarkood dhaliilayaan wasaaradda loo magacaabay C/raxman M. C. Xaashi

Sida lawada ogsoon yahay wuxuu raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Talaada, 21/03/2017 magacaabay golihiisii cusbaa ee wasiiradda, golahaas oo uu kasoo dhex muuqday Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo kasoo jeeda degaanadda SSC, loona magacaabay wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda. Xilkaas oo qaar ka mid ah shacabka SSC dhaliileen kuna tilmaameen in aanay wasaaraddaasi u cuntamin degaanadda SSC oo heerkeedu hooseeyo.

Hadaba, waxaan rabaa in aan maqaalkan ku eego arintaas, anigoo raba in aan kaga jawaabo su’aalo dhowr ah oo kala ah:-

A. WAA MAXAY HEERKA IYO QIIMAHA WASAARADDA KALUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA?

Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka baddu waxay ka mid tahay wasaaradda heerka 1aad ee dalka marka loo eego Soomaaliya. Waa wasaarad Dhaqaale, Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,000 Km. Khayraadka qudha ee maanta la hubo ee Soomaaliya haysataana waa Badda iyo Khayraadka ku jira. Waa meesha la rabo in dadka Soomaaliyeed looga faa’iideeyo, lagana horumariyo, dhaqaalaha Soomaaliyana kor looga qaado, waana meesha maanta cadowga Soomaaliyeed ugu waxyeeladda badan yahay, lana rabo in la ilaaliyo. Masuulka wasaaradaas loo xulo waxaa lagu aaminay xil weyn oo ay tahay in loogu duceeyo in Alle la garab galo.

B. MAXAY TAHAY SABABTA QAAR KA MID AH DADKA SSC U DHALIILAYAAN WASAARADDAN?

Dadka Wasaaraddan Dhaliilayaa waxay isugu jiraan dadka Sifooyinkan leh:

1. Waa dad taageersan siyaasadda maamulkii Khaatumo ugu guurey Somaliland oo raba in ay Nabaro u sameeyaan Midnimadda Soomaaliya oo dadka ku kaxaystaan Koonfuri Dhulbahante waxba uma ogola, waxay kaloo dagaal kula jiraan fikir ay dhowaan soo jediyen odayaasha G11 oo ahaa in dawladda cusub ee Soomaaliya qiime u leedahay dadka iyo degaanadda SSC, loona baahan yahay in wax lala qabsado iyo sidoo kale in ay carqaladeeyaan shir isla odayaasha G11 ku baaqeen in bisha Abril ee soo socota Muqdisho lagu qabto oo dawladda Soomaaliya lagula hadlo.

2. Waa dad qayb ka ahaa loolankii wasiirnimo ee dad badan oo reer SSC ah oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ku dhexmaray Muqdisho oo tartanka lagaga guulaystay oo sidaas ceebo ugu raadinaya wasaaradda loo dhiibay.

3. Waa dad aan waxba ka garanayn qiimaha wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, waa dadka ay isaga qaldan yihiin Dekedaha iyo gaadiidka badda iyo kaluumaysiga iyo khayraadka badda, waa dad aan dersin heerka wasaaraddaasi maanta kaga jirto Soomaaliya.

C. MAXAY TAHAY DHALIISHA KA MUUQATA MAGACAABISTAN EE DADKA SSC LEEYIHIIN?

Dhaliisha ka muuqata magacaabistan ee dadka SSC leeyihiin waa:

1. Waxaa muuqata in sida dawladda loo xulay xildhibaanadda Soomaaliya door weyn ku lahaayen, beesha SSC waxay ku lahayd xildhibaanadda 10 Xubnood walow aan lagu soo xulin rabitaanka dadka SSC iyo hab xalaal ah toona.

Xildhibaanaddii kasoo jeeday degaankaas oo la rabay in ay xooga saaraan saamiga iyo heerka wasaaraddaha reer SSC xaqa u leeyihiin wax saamayn ah kuma lahayn arintan. Waayo waxaa kuraastan ka boobay reer Khaatumo siyaasiyiintii majeerteen ee kasoo jeeday Puntland (Cumar C/rashiid iyo Gaas), markii ololaha Doorashadda Madaxweynaha lagu jireyna wax waxtar ah uma geysan Farmaajo oo weliba qoys ahaan u tirsanayey waxyeelo mooyee, weliba waxay ahaayeen xildhibaanada ugu diidmada iyo hadalka xumaa markuu xildhibaanadda Soomaaliyeed taageerada codka weydiisanayey.

Waxay sidii Adhigii Ahminka ahaa dulfadhiyeen nimankii majeerteen ee diyaaradda Puntland kaga qaatay, walow ay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shiriifna lacago kaga cuneen codka oo dad dillaaliin ahi codkooda ka ganacsanayeen.

Markii doorashadu dhacdayna waxay noqdeen wax wasiiro doonaya iyo wax tafaraaruqa. Markaa xildhibaanadaasi sidaasaanay wax weji iyo saamayn ah ugu yeelan in ay illaaliyaan Saamiga iyo heerka wasaaradda ee beesha SSC.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ma uusan haysan Fursad uu heerka wasaaradda ku xusho waayo keligii kuma tartamayn doonista kursigan ee illaa 16 qof oo kasoo jeeda SSC ayaa doonayey, markaa ma helin fursad uu ku yiraahdo wasaaraddaas halay dhiibo.

3. Hadhaagii G11 ee Muqdisho tegey oo kulamo la yeeshay Farmaajo iyo Khayreba isuma xilqaamin in ay labadaas masuul ku qanciyaan saamiga iyo heerka wasaaraddaha ee SSC balse iyagaaba la sheegay in ay tartanka jagadoonkab wax ka galeen.

D. GOORMA AYUU DR CABDIRAXMAAN M. C. XAASHI UGU BAAHI WEYNAA TAAGEERADA DADKA REER KHAATUMO?

Wuxuu Cabdiraxmaan ugu baahi weynaa taageeradda dadka reer SSC 2012 maalintii uu isaga keliyahi dadka reer Khaatumo musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ka ahaa oo ay reer SSC xildhibaanadaas ku lahaayeen 8 Xubnood oo uu horkacayey oday Cali Khaliif oo uu hal cod ka waayey, illaa maantana dadka SSC arintaas kama wada hadlin kamana garaabin, markaa Cabdiraxmaan waxaan isleeyahay ma mudna in wakhtigan oo uu kursi weyn oo aanay cid badani ku taageerin ka helay golaha wasiiradda in la tuso caadifad aan sal iyo raad toona lahayn oo layska dhigayo in wax lagula doonayo, balse waxayba taasi noqon kartaa NAMA METELO, KA ERYASHO, IYO OOHINTII YAXAASKA.

E. MAXAY TAHAY DHALIISHA MUUQATA EE KHUSAYSA SSC EE DAWLADDA CUSUB KA MUUQATAA?

Waxay tahay dhaliishaasi beesha SSC oo ah beel balaadhan kama helin saamigii ay tiro ahaan golaha wasiiradda ku lahayd, waxay ahayd in wasiirudawlayaasha iyo ku xigeenadda wax laga siiyo.

F. MAXAY TAHAY DHALIISHA GUUD AHAAN KA MUUQAN KARTA GOLAHA CUSUB EE WASIIRADDA?

Waxay tahay dhaliisha guud ee ka muuqan karta dawladda cusub:

1. Waxaa la odhan karaa 69 wasiir waa tiro badan oo wasiiro ah oo aanay Soomaaliya qaadi karin. Waxaana loo baahnaa tiro intaas ka yar.

2. Waxaa ka muuqata in ay jiraan wasaaraddo waajibaadkoodu isku qasan yahay oo is shabaha.

3. Tiradda Xildhibaanadda golahan soo galay waxay ka badan yihiin 70% taasina wxay muujinaysaa in dawladda lagu dhisay ololihii doorashadda ama aan si xor ah loo soo xulin ee baarlamaanku saameyn ku yeeshay. weliba waxaa ka dhex muuqda oo wasaaradda Maaliyadda la siiyey gudoomiyihii gudiga doorashada Mr Bayle.

4. Habka xildhibaanaddu uga mid noqdeen wuxuu keeni karaa tafaraaruq iyo khilaaf hor leh oo soo kala dhexgala golayaasha dawladda Soomaaliya. Waxaana ka iman karta in tiro badan oo baarlamaanka ahi kasoo horjeestaan magacaabidan iyagoo ku hinaasaya xildhibaanadda kale ee golaha wasiiradda ka mid noqday.

Ugu dambayntii waxaan dadka SSC usoo jeedinayaa in ay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ku taageeraan gudashadda xilka loo magacaabay, sidoo kale waxaan wasiir Cabdiraxmaan usoo jeedinayaa in uu buug cusub u furo shacabka SSC ayna isugu mid noqdaan si buuxdana uu wax ugu qabto dad ahaan iyo dal ahaanba.

Wa billaahi towfiiq

Xigasho: goojacade.com