MUWAADINKA WAA BAHARARSAME AMA QAYAAD KU XIRAN KUWII WAA ISAAQ LAGU XIRI JIRAY MUXUU KAGA DUWAN YAHAY

Shabaqle

Somaliland waxay sheegataa Jamhuuriyad Madaxbanaan oo Soomaaliya ka noqotay kadib markii si isirnimo ah midnimadii loogu dhibaateeyey oo lagula kacay xasuuq, xarig, xadgudubyo iyo Ciqaabo Jamaaci ah oo xeerarka iyo xuquuqda qofkaba dhinac marsan.

Somaliland waxay ku faantaa inay ka gudubtay nidaamkii qabiil oo una gudubtay Dimoqraadiyad ku salaysan qof iyo codkiisa, taasoo macnaheedu yahay qofna qof kuma xidhna. Dastuurkeeduna wuxuu dhigayaa Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn, Mana banaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.

Nasiib daro 48 saac ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Laascaanood lagu xidhxidhay dad shacab ah oo aan wax dembi ah geysan, balse lagu xidhay qabiilnimo waa Bahararsame iyo Qayaad. Dadkani oo 100 ku sii dhow waxay u xidhan yihiin ciqaab jamaaci ah oo isir ku salaysan, taasoo ku tusinaysa inay lid ku tahay wixii Somaliland ku faanaysay haday dimoqraadiyad ama cadaalad iyo maamul wanaag.

Muwaadinka maanta isagoo magaaladiisa iska dhexmaraya waa Bahararsame ama Qayaad loo xidhay muxuu kaga duwan yahay kuwii iyagoo gurigooda iska jooga waa Isaaq oo SNM bay taageersan yihiin loo xidhi jiray, Maxaase is hortaagaya in berito waa Dhulbahante shacab loo xidhxidho ama wax loo yeelo.

Qofka waa in la helaa qodob sharci ah oo lagu qabto, Shacabkan waa lagu xidhay xeerkii nabadgelyada ee kacaankii isticmaali jiray, dawladuhuna waxay isticmaalaan markay maamulka dadkooda ku fashilmaan.

Nabadgelyada Magaalada Laascaanood iyo nabadeynta beelaha ku dagaalamaya koonfurta Laascaanood, Xukuumada Somaliland baa ku fashilantay, waxaana ugu horeeya Wasiirka Arimaha Guduha iyo kuwuu ku urursaday, Dagaalkii Kalshaale ka dib labadii Reer ee Degaamada SSC ka soo jeedo ee waxyari dhexmaraan in aanay heshiin waxay u muuqataa qorshe laga shaqaynayo, waxaana caado in labadooba ciidamo isleeg loo qarameeyo, mana aha wax Bahararsame iyo Qayaadi ku eedaysan yihiin, waxaana laga dhiganayaa qiildayasho.

Marka Muwaadin xuquuqdiisa laga qaaday oo Bahararsame ama Qayaad xoriyadiisa ku waayo, Maxaa Diidaya in Wasiirka Arimaha gudaha, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool iyo Mahad Canbaashe loo arko niman Ilma adeer ah oo qabiil ugaadhsanaya, sidii Gaani, Morgan iyo kuwii kasii hoos shaqaynayey.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxaa la gudboon inuu xusuusto masuuliyiintii dadka shacabka ah Isaaqnimada ku xidhxidhi jiray inay ahaayeen kuwo fashilmay oo fashilkoodii ciqaabta jamaaciga ah ee shacabka ku qarinayey, kuwo maanta Laascaanood qof suuqa dhexdiisa maraya waa reer hebel u xidhayaana waa la mid, xalku waa xilka oo laga qaado kuwa ku fashilmay masuuliyadii loo igmaday, shacabka suuqyada laga urursanayaana waa qorshe reer SSC Somaliland lagag cayrinayo, nabadgelyo raadintuna maaha in loogu hulado dulmiga muwaadinka.