Muxuu yahay nuxurka warsaxaafadeedkii Garaad Saleebaan 10/03/2017 ku qabtay Imaaraadka Carabta

Shebekada goojacade.com ayaa qortay maqal dheer oo ay ku faahfaahisay warsaxaafadeed uu bishan tobankeedii soo saaray Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, kaas oo ay ugu magac dartay “Muxuu yahay nuxurka ka muuqda warsaxaafadeedkii uu Garaad Saleebaan 10/03/2017 ku qabtay Dalka Imaaraadka Carabta?

Garaad Saleebaan ayaa iminka ku sugan Imaaraadka Carabta, wax talo ah oo ku hadhayna ma jiraan, laakiin koox ayaa doonaysa inay ku sii shaqaysato, oo marba saxaafada meel ka tusto.

Isimada Dhulbahante ayaa kaalintoodii gabay, waxaana lagu sifayn karaa koox fashilantay, ha ugu sii daraadeen labada ugu faca weyn, waxaana haboon inay isgartaan oo aan saaxada talada lagu arag oo beelaha magaha u kala raadiyaan, si ay u magdhabaan khaladaadkii ay shacabka ka galeen.

Saldanadii Reer Garaad Maxamed iyagaa sariftay oo waqtigii adkaa ku dhaafay, halka Saldanadii Reer Garaad Jaamac uu Cali Khaliif Galaydh ma kore ku noqday oo sariftay oo u adeegsanayo kala qaybinta iyo iska horkeenka Beesha.

HALKAN KA AKHRISO MAQAALKII OO DHAMAYSTIRAN
Muxuu yahay nuxurka ka muuqda warsaxaafadeedkii uu Garaad Saleebaan 10/03/2017 ku qabtay Dalka Imaaraadka Carabta