Nigeria: Haweenay sheegtay in boqol kun oo dollar oo loo dhiibay Mas cunay

snake

Haweeney ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee Nigeria ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay baarayaasha u sheegtay in 36 milyan oo lacagta Niara-ha Nigeria ah uu mas ka cunay.

Lacagtaas ayaa waxay u dhigantaa $100,000.

Philomena Chieshe ayaa ka shaqeynaysay xafiiska guddiga imtixaanaadka Nigeria qeybta lacag qabashada.

Masuuliyiin ka tirsan guddiga ayaa beeniyay sheegashada haweeneydaasi oo uu hadda baaritaan ku socdo.

Arrintan ayaa si weyn looga hadalahayaa dhammaan baraha bulshada Nigeria.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa barahooda Twitter-ka ku sheegay inayba suuragal ahayn in mas uu lacag intaa dhan cuno.