NIN WEYN TAG LAMA YIRAAHDO EE WUXUU KU TAGO AYAA LA TUSAA

cali khaliif nairobi2

Ilaa maalintii Oday Cali Khaliif tolkii ka falaagoobay ee keligiis Hargeysa u goostay, waxaa laga saxeexayey Waraaqo dan iyo faaiido Somaliland ugu jirto, kuwaas oo ay beesha Caalamka ku tusayaan inay la heshiiyeen mucaaridkii ku kacsanaa ee KHAATUMO, laakiin ma jirto wax qudha oo ay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisu faaiideen.

Cali Khaliif waxyaabaha ku kalifay inuu Madax madax Somaliland isugu tuuro waxaa ugu badnaa, shacabkii degaamada SSC oo nacay, Qurbajoogtii oo dhaqaalihii ay siin jireen ka joojisay kadib markii guuldaro maahee wax guula uu soo hoyn waayey, hawdkii iyo duurkii oo uu u adkeysan waayey iyo isaga oo dhabcaal ah oo aan jeclayn inuu jeebkiisa isticmaalo ama dan guud wax ugu qabto, waxaana loo tirinayaa inuu dhaqaale farabadan meelo kala duwan ka urursaday, kaas oo aanu waxba u noqonayn haduu sanad dambe sii adkaysto oo jeebkiisa quuto.

Rajadii Cali Khaliif ka qabay Somaliland ayaa iminka soo gabaabsiyeysa kadib markuu arkay xubnaha Golaha Wasiirada xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lagu soo daray oo ah kuwo ay aad isku eedeyn jireen, taasoo u muuqata NIN WEYN TAG LAMA YIRAAHDO EE WUXUU KU TAGO AYAA LA TUSAA.

Wax cusub maaha Cali Khaliif Madaxweyne oo cusub wuxuu ula yimaadaa liis iyo waxyaalo uu rabo markuu ka waayana waa dudaa, iyadoo aan wada ogsoonahay inuu Soomaaliya oo dhan sidaas uga soo duday, oo Somaliland halkii ugu dambeysay tahay, maanta meel uu u dudo ma hadhsani ma jirto hadaanu tegay Kilinka 5aad ee Itoobiya, WAXAASE U BANAAN INUU TOLKII KU NOQDO OO MAGACII NAFTA MAALKU KAGA BAXAY EE UU SIDA XUN U ISTICMAALAY U CELIYO OO QURBIHIISII ISKAGA NOQDO.

NO COMMENTS