ODAY CALI MAQNAANTII IYO DUURKII BUU KU ROONAAYE ALAHAYOW HARGEYSA MAAMUUS MA KAGA DHACAY

Cali Khaliif

Haddii Illaahay garashada kugu yareeyo, waxbarasho iyo Cilmi kastaa sidii loo rabay kuu anfici maayaan, waxaadna ku dambeynaysaa kii luma, arintan waxaa tusaale u ah Prof Cali Khaliif Galaydh oo wadahadaladii uu Somaliland kula jiray shalay u soo dhaceen Isaga iyo xubnihii Somaliland u shaqaynayey ee ku jira Goleyaasha, kana soo jeeda Degaamada SSC, kuwaas oo aan la garanayn sabab uu ula kulmayo iyo waxa ka dhaxeeya, waayo waa dad ku qanacsan xaalada ay ku jiraan oo aan waxba ka maqnayn, islamarkaana u shaqaynayey ninkay is-hayeen.

Kulanka shalay oo laysku afgaran waayey waxaa laysku qabtay waxa la yahay, Wasiiradu waxay sheegeen in aanay Khaatumo aqoonsanayn, laakiin ay dhulbahantenimo kula hadlayaan, Cali Khaliifna wuxuu yidhi Khaatumo ayaan nahay, sidaas baana lagu kala tegay.

Xubnaha Goleyaasha Somaliland waa ku saxnaayeen, waxayna istaageen meeshii ku haboonayd, waayo haday Khaatumo u aaminsan yihiin Saaxdheer bay ugu tegi lahaayeen, waxayna ku dooneen qodobkii ku haboonaa.

Cali Khaliif wuxuu u egyahay nin lumay oo biyihii iyo caanihii isaga qasan yihiin, meel uu marayana aan garanayn, waxaana u banaanayd inuu sadex qodob midkood yeelo:

Inuu Maamul maamul la hadlaya ku adkaysto oo aan dhulbahante iyo Reer hebel kulama socdo aanu yeelin, hadii cid uu la hadlayo ama baryayo uu shacabka degaamada jooga ka raadsado.

Inuu sidii Saleebaan Xaglotoosiye yeelo oo isaga iyo wixii la socdaa, hafsadaan waxa alle Somaliland ka siiyo.

Ama inuu Xukuumada waqtigeedii dhamaaday ee 4 bilood u hadhsan tahay aanu isku ceebayn, ee intuu adkaysto uu Saaxdheer iyo Dhurduhiisii iskaga noqdo, inta Somaliland Dawlad cusubi ka dhalanayso.

Profosorkaas dhami wuxuu Gaasta isugu shubay, oo isu miidaamiyey ka cararka kooxdii G11 ee ka soo horjeesatay oo garatay waxa meesha ka soo socda.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa LAX WALBAA SHILALKA AY ISDHIGTO AYAA LAGU QALAA, Madaxweynihii Khaatumo, Profosoorkii Afrika ugu cilmiga badnaa wuxuu kordhsaday oo ku dambeeyey inuu Hargeysa kula Murmo koox guriga Wasiir Yaasiin Faratoon ku xidhan oo hadal iyo caqli ka yaqaana MAXAMUUD GARAAD BAANU NAHAY, WAANU ISDIIWAANGELINAY, KALA GUR DHULBAHANTE IYO MUQAWADO (QAADWALEYAAL) SUUQA KAGA QAYLIYA CALI KHALIIF NAMA METELO, GARAAD GUUD MA LEHIN, oo weliba loogu sacabiyo, CADUUR DHOW DHOWDU UMA DHACSANA, CALI KHALIIF WAXA SOCDOBA MA FAHMIN.

CALI KHALIIF MAQNAANTII, CARUURTUU WAX BARI JIRAY IYO MARAYKANKII BUU KU ROONAA, EE ALAHAYOW HARGEYSA MAAMUUS MA KAGA DHACAY.