Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

qaraxn muqdisho maqaayad wdhsport1

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay dibadda maqaayad ku taala agagaarka hoteelka Weheliye ee waddada Maka-Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay abaare afartii iyo barkii galabnimo ayaa waxa laga maqlay inta badan magaalada, mana jirto illaa hadda cid sheegatay masuuliyadiisa.

Waddada Maka-Almukarama waxa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku soo badanayay qaraxyada loo adeegsado baabuurta ee la dhigo hareeraha waddada xilli laga mamnuucay waddadaasi in wax gaadiid ah la dhigo, taasoo su’aal gelinaysa sida kuwa baabuurta qaraxyada wada ay ugu suurtagasho in ay waddada dhinceeda ay dhigaan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii shalay ahayd iyo jimcihiiba ay qaraxyo ka dhaceen Beledweyne iyo Baydhabo, qaraxyadaasi oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.