Qof Askari Qori ka dafay oo lagu dilay garoonka Paris

Police officers

Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in nin askari ka dafay qori lagu toogtay madaarka Orly ee magaalada Paris.

Ciidanka nabadgelyadu waxay ninkaa dileen kaddib markii uu qoriga ka qaatay askarigaas oo joogay qaybta koonfureed ee madaarka.

Garoonka diyaaradaha ayaa la xidhay dhacdadaa kaddib, oo maamulka madaarku waxa uu sheegayaa in ay ahayd mid aad u khatar ah, rakaabkii la socday diyaaradihii markaa uun soo cago dhigtayna waxa lagu wargeliyey in aanay soo dhaadhicin.

Waxaa haatan madaarka ka socda hawl gal nabad gelyo oo ay wadaan khubarada baadha bambooyinka iyo booliska oo iyaguna goobaya hadii ay jiraan cid ninkaa la socotay oo madaarka ku jirta.

Boolisku waxaa kale oo ay doonayaan in ay hubsadaan in ninkaa la toogtay walxaha qarxa uu isku soo xidhay iyo in kale.

Madaarka Orly, oo ku yaal dhinaca koonfureed ee magaalada Paris, ayaa ah madaarka labaad ee ugu mashquulka badan madaarada ku yaal caasimadda Faransiis.