Raiisal wasaare oo ka fekeraya inuu Khaatumo u aqoonsado Maamul Goboleed

kheyre

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay xaalada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay saacadba saacada ka dambeysa sii xumaanay, ayaa waxaa hadda isa soo taraya wararka sheegaya in Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka fekerayo inuu Maamulka Khaatumo State u aqoonsado Maamul Goboleed Soomaaliyeed.

Maamulka Khaatumo State Of Somalia, wuxuu ahaa mid ay ku bahoobeen shacabkii reer Waqooyi ee midnimada Soomaaliya taageersanaa, laakiin waxaa dhabar-jebiyey Dawladihii Federaalka ahaa ee tan ka horeeyey iyo Guud ahaanba siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dadkaas qabiil u arkay, meeshana ka saaray dareenkoodii iyo midnimadii ay ku taamayeen, taasoo kaliftay in Maamulkii Khaatumo wiiqmo.

Raiisal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in Xukuumadihii ka horeeyey umaddii Reer Khaatumo ay Somaliland ku laaluusheen, balse maanta la soo gaadhay waqtigii xukuumadisii ay arintaas wax ka bedeli lahayd.

Kheyre oo iminka la tashiyo wada ayaa la sheegayaa in aqoonsiga MaamulGoboleedka Khaatumo uu u yahay kaadhkiisa ugu dambeeya ee uu doonayo inuu Somaliland ula soo baxo, balse uu maalmaha soo socda kor u haynayo.

Waxaa hubaal ah in Raiisalwasaare Kheyre uu si weyn uga duwan yahay Madaxdii ka horeysay ee Soomaaliya soo martay, marka laga eego dhinaca Somaliland.